Shirweynihii Beelaha Mudullood oo muddo 4 maalmood (3-6 Ogost 2020), ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeed looga hadlay xaaladda Beesha, Arrimaha Amniga , Siyaasadda iyo Doorashooyinka.
War-murtiyeedka oo uu shirka ka akhriyey Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo ah garab taagnaayeen Duubabka Beesha iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ugu muhiimsanaa qodobadda soo socda:
Arrimaha Amniga waxay beesha Mudullood dalbatay inaan dalka la keenin ciidamo shisheeye oo aan sharciyad heysan, kana tirsaneyn AMISOM, waxaana lagu baaqay in degaanada Beesha laga xoreeyo nabadiidka Alshabaab.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in hay’adaha Amniga Dowladda iyo Garsoorka ay ka jiraan tacadiyo loo baahan yahay in wax laga qabto, looguna baaqay dowladda Federaalka inay arrintaas wax ka qabato.
Arrimaha Siyaasadda waxay Beesha Mudullood soo dhoweysay go’aankii Golaha Shacabka ee 13-ka xubnood Gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare, iyadoo la dalbaday in loo dhameystiro habraaca sharciga ee ka dhiman.
Shirka Beelaha Mudullood wuxuu ku baaqay in la dedejiyo Dhismaha Dowlad Goboleedka Gobolka Banaadir, iyadoo ay beeshu gogol wadatashi u fidisay beelaha kale ee Gobolka Banaadir.
Shirweynaha Beelaha Mudullood waxaa lagu dhisay: Golaha Horumarinta Beesha Mudulood, kaasoo uu hoggaaminayo Cali Mahdi Maxamed, waxaana lagu baaqay inuu gogol nabadeed u fidinayo beelaha Soomaaliyeed.
War-murtiyeedka Shirka Beelaha Mudullood wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay qabato Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo wadar ogol suuragal ah, wuxuuna ka digay in muddo kordhin ay sameysto dowladda Federaalka, taasoo keeni karta qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuuri ah.
Shirka waxaa soo xiray Imaamka beeshaasi Imaam Maxamed Yuusuf, waxaana shahaadooyin lagu guddoonsiiyey hoggaanka siyaasadda iyo dhaqanka beeshaasi.