Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkoodii toddobaadlaha ahaa oo looga hadlay arrimo uu ka mid yahay weerarkii xalay lagu qaaday xarumo ku yaalla Muqdisho.
Shirka Golaha Wasiirada waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho.
Wasiirka Amniga ayaa Golaha warbixin ka siiyey qasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, isagoo sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii uu qaraxu dhacayay.
Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka argagixiso.
Dhanka kale, Shirka golaha ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin soo bandhigidda dakhliga soo xarooday oo golaha uu warbixin ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle.