Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: Qodobadii kasoo baxay Shirkii Hannaanka Dib u heshiisiinta Soomaaliya [Sawirro]

    AKHRISO: Qodobadii kasoo baxay Shirkii Hannaanka Dib u heshiisiinta Soomaaliya [Sawirro]

    June 17, 20174 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshisiinta Soomaaliya 17, June 2017

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaynoo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.

    Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood.

    Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:

    1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.

    2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo

    3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara.

    Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka. Labada qaybood oo kala ahaa:

    B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-u heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynaysay Wasaaradda.

    1. Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay

    2. Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed

    3. Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta

    4. Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta

    5. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka

    6. Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay

    7. Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka

    8. Waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay dadaalladii dib-u heshiineed ee bulshadu hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay

    T. Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, isla markaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa.

    Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

    Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan isla markaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer gobolba. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan leh.

    Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

    1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaystiran
    2. Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo HANNAAN (hab-raac dhammaystiran) oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay
    3. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan

    4. In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-uheshiisiin gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis

    5. In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad

    6. In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la
    kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta
    khilaafaadka ku xeeldheer

    Baaqa Shirka
    Shirku waxa uu ku baaqayaa:
    1. In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta

    2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado

    3. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen

    4. In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaaladdarrooyinka sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xadgudubyada ka dhan ka ah bani’aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.

    5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan.

    Dhamaad

    Muqdisho Qodoadda hanaanka heshiiska Shirka Dib u heshiisiinta Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHaweeney ku soo biirtay Agaasinka cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya [Akhriso Faahfaahinta]
    Next Article C/raxmaan Faroole oo jawaab kulul u soo diray Wasiir Xoosh & Wax ka bedelka Dastuurka [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo