Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 30
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: Qodobbo kasoo baxay Shirkii Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada & Dowladda

    AKHRISO: Qodobbo kasoo baxay Shirkii Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada & Dowladda

    May 16, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa soo gabagbeysay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada dalka.

    Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa mas’uliyiin ka socotay maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir. Kulanka oo qeyb ka ahaa wadatashi ay Wasaaradda la sameeynayso qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira.

    Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.

    Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.

    War-murtiyeedka:

    KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

    1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

    2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

    3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

    4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

    5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

    6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

    7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

    8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

    9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

    10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

    Dastuurka 1

    Dastuurka 3shirka 2

    Cabdi Xoosh Dastuurka Maamul Goboleedayada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAAHFAAHIN: Taliyeyaal ka tirsan Booliska iyo Milateriga oo ku dagaalamay Muqdisho & Qasaare ka dhacay
    Next Article DHAGEYSO: Xildhibaan Cabdi Shire oo farriin kulul u diray Xildhibaanada mucaaradka ee Horeusocod

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo