Saacado kadib markii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya meel mariyey Sharciga Doorashada, waxaa soo baxay cambaareyn loo jeedinayo qodobo ka mida sharciga oo markii isha lagu xaday durba u soo baxay siyaasiyiinta ka horjeeda dowladda Soomaaliya.
Qodobka muddo u kordhinta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha wuxuu ahaa mid muddo weyn shaki laga qabay, iyadoo madaxweyne Farmaajo markii uu sanad iyo bar xilka hayey lagu eedeeyay inuu doonayo inuu xilka kororsado, taasoo lagu saleeyay hadallo kasoo baxay oo ku saabsan inaan xaaladda dalkan waxba looga qaban karin 4 sanadood.
Qodobadda hoos ku qoran waxay sii xoojiyeen tuhunkii qabeen siyaasiyiinta mucaaradka ee xil sugayaasha ah iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana dooda hadda taagan ay noqotay SHARCIGA DOORSHADA ee shalay uun ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Cabsida ugu weyn ayaa ah inaan lagu kalsooneyn Baarlamaanka oo xukuumadda Kheyre la tuhunsan yahay inay ka ansixin karto qorshe kasta oo ay dooneyso.
Arrinta u baahan in laga heshiiyo ayaa ah waxa la yeelayo haddii ay qabsoomi weyso doorasho hal qof iyo hal cod ah oo la isku raacsan yahay inaysan suuragal ahayn 2021. Sharciga cusub ee doorashada ayaa isna ku xiran in dastuurka la dhammeystiro, taasoo iyaduna shaki ku jiro qabsoomideeda.