Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AKHRISO QORAAL: War-saxaafadeed ay Wasaaradda Amniga kasoo saartay Xariga C/raxmaan C/shakuur

    AKHRISO QORAAL: War-saxaafadeed ay Wasaaradda Amniga kasoo saartay Xariga C/raxmaan C/shakuur

    December 18, 2017Updated:December 18, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa war cad kasoo saartay howlgal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

    Howlgalka ayaa dhaliyay dhaawac soo gaaray siyaasiga iyo qaar ka mida ilaaladiisa oo lagu dilay, waxayna dowladda Soomaaliya sheegtayn in ruqsad lagu soo xirayo loo waday C/raxmaan C/shakuur balse ay ilaaladiisa ka hor yimaadeen.

    Amarka lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa bixiyey hay’adaha sharciga iyadoo gurigiisa lagu sheegay goob laga abaabulo fal dembiyeedka.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Sidaad la socotiinba hay’adaha Amniga iyo Xeer Illaalinta waxey maalmahan wadeen baaris danbiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsanyahay fal dambiyeedyo Qiyaano Qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaamka dowladnimada. Waxaa reeban in muwaadin uu u adeego dano shisheeye oo ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

    Hay’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hay’adaha sharciga ah, ayaa xalay abaarihii 11.30 habeenimo ayey guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hay’adaha amniga tageen gurigaas muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro iyadoo la waday warqadii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.

    Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hay’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga. Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayey ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba ay gacanta ku soo dhigeen. Sidoo kale waxay hay’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsanyahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.

    Tallaabadaas oo hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayey awaamiirtii hay’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal danbiyeed.

    Sidaas daraadeed, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo sharci-fulinta, iyadoo Dowladda Federaalka ay dammaanad qaadeyso xaquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka. Muwaadinkan waxuu helayaa baaris hufan waxaana la horgeynayaa maxkamada awooda u leh oo uu ka heli doono caddaalad.

    Ugu danbeyntii, shacabka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni. Muwaadin kasta waxaa waajib ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka uu ka horumariyo danihiisa gaar-gaarka ah.

    C/raxmaan C/shakuur Dowladda Somalia NISA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Wasaaradda Amniga oo shaacisay in Maxkamad la soo saarayo C/raxmaan C/shakuur
    Next Article Wasiirka Amniga oo Amar Culus kasoo saaray Shirarka Siyaasadeed ee lagu qabanayo Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo