Qoraal uu dowoladda Mareykanka u diray Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la sheeciyay iyadoo lagu dalbaday taageero milateri iyo faragelin Mareykanku ku sameeyo Soomaaliya.
Qoraalka ayaa ka hadlaya inay Alshabaab qabsatay Gobollada Dhexe meel ka mida oo macdanta Yuraaniymta (Urainium) ay ku jirto, iyadoo u dhoofinaya dalka Iiraan si ay hub Niyukliyeer ah uga sameysato.
Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa isku dayaya inuu isku xiro Alshabaab iyo Iiraan oo la ogyahay inaysan sinaba u wada xiriri karin, wuxuuna ku faanayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu heysto dhalashada Mareykanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay Mareykanka ku qalqaaliso faragelin uu Soomaaliya ku sameeyo iyo ciidamo toos ah oo uu dalka keeno si Alshabaab looga adkaado taasoo ay awoodi waayeen AMISOM.
AKHRISO QORAALKA