Qorshe nooc cusub ah ayaa lagu baajiyay kulankii Baarlamaanka ee la filayay inuu maanta ka furmo xarunta Golaha Shacabka magaalada Muqdisho.
Kulankan oo la filayay in looga doodo arrinta sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), laakiin waxaa dhacday in kooran la’aan loo xiray fadhiga sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannada taageersan xukuumadda oo u badnaa wasiirada ayaa ka baaqsadya inay saxiixaan buugga xaadirinta Baarlamaanka, taasoo keentay shaku ku saabsan tirada ku sugan iyo inta saxiixday buugga oo kaliya noqotay 104 Xildhibaan.
Guddoomiye Jawaari oo ka carooday arrintan sheegay in xildhibaannada yimid ee aan saxiixin buugga loo diri doono warqad digniin ah, sida uu qabo xeer-hoosaadka, qodobkiisa 16aad, faqradiisa 5aad.
Lama sheegin tirada aan saxiixin buugga xaadirinta, laakiin wuxuu noqday qorshe cusub oo lagu hakin karo kulamada Baarlamaanka markii loo baahdo, iyadoo hore xildhibaannada ka horjeeda kulamada baarlamaanka ay baaqsan jireen inay tagaan shirka.
Wadani