Waxaa maanta inta badan caalamka ka bilowday bishkii kheyrka iyo barakada ee Ramadaan, haddana waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa saacadaha laga soomayo dalalka caalamka oo qaarkood ay aad u dheer yihiin halka kuwo kalena saacadaha maalintii ay yar yihiin.
SHAXDA HOOSE WAXAY MUUJINEYSAA SAACADAHA BISHA RAMADAAN LAGA SOOMAYO DALAL KALA DUWAN OO DUNIDA AH
Dalka |
Saacadaha Soonka 2015 |
DENMARK |
21 Saacadood |
Sweden, Norway, Iceland |
20 Saacadood |
Russia |
19 Saacadood |
Belguim, Holland |
18:30 |
Spain, Canada |
17:30 |
Turkey, Japan, N. Korea China |
17 Saacadood |
Masar, Britian, Germany, Suriya |
16:30 |
France, Italy |
16 Saacadood |
Iiran |
15:50 |
Tunusia, Sacudiga, Falastiin, USA |
15 Saacadood |
Yeman, Imaaraadka, Qatar |
14:50 |
Aljeeriya, Sudan, Libya Maroko, Mauritania, Ciraaq… |
14 Saacadood |
Mexico, Somalia |
13:20 |
India, Pakistan Singapore |
12 Saacadood |
Brazil |
11 Saacadood |
K/Afrika |
10:30 |
Australia |
10 Saacadood |
Argentine |
9:30 |
Waxaa halkan ka muuqata in dalalka Cirifka Waqooyi ee dunida ku yaala ay ugu waqti dheer yihiin, Denmark ayaa noqotay dalka ugu maalin dheer oo dadka ku nool ay soonkoodu gaarayo 21 Saacadood.
Dhinaca kale Dalalka Koonfureed ayaa noqday kuwa ugu maalinta yar, sida ka muuqata dalka Argentine oo ah dalka ugu saacadaha yar oo Soonku ku dhammaanayo muddo 9:30 oo kaliya.
Waxaa xusid mudan in hal dal gudihiisa ay dhici karto in saacadaha maalintii kala bataan, siiba haddii dalkaasi yahay mid baaxad leh, waxaana laga arki karaa taasi dalalka Mareykanka iyo Russia oo kale.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-5″]