Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AKHRISO: Saddex Khalad oo ku jiray Warkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha [Yaase ka danbeeyay..?]

    AKHRISO: Saddex Khalad oo ku jiray Warkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha [Yaase ka danbeeyay..?]

    January 19, 2018Updated:January 19, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in la joojiyey bixinta, hibeynta iyo wareejinta dhulka dowladda.

    Qoraalkan oo kusoo beegmay xilli uu madaxweynuhu safar ku jiro, isla markaana ay socdeen warar ku saabsan in maamulka G/banaadir uu bixiyey dhul dan guud ahaa ayaa waxaa ka muuqdo degdeg iyo xaalad abuur ku saabsan iska hor keenka madaxtooyada iyo maamulka G/banaadir.

    Haddaba Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo magaca madaxweynaha loo adeegsaday markii la qiimeeyo waxaa ku jira saddex khalad oo waaweyn, kuwaasoo kala ah:

    HAY’ADDA UGU SAREYSA

    1- In Madaxtooyada ay noqoto halka arrimaha muranka dhulka lagu xaliyo, waa arrin muujineysa in xafiiska ugu sareeya dalka uu gacanta kula jiro howl kasta iyo xaalad kasta oo soo kororta, waxaana sidaas meesha uga baxaya shaqadii xukuumadda, tii wasaaradaha u xilsaarnaayeen iyo maamullada Gobollada.

    HANTIDA DANTA GUUD

    2- Hantida Danta guud ee maqan iyo bixinta hantidaasi waa arrin xasaasi ah oo soo jirtay tan iyo dowladii hore ee kacaanka, waxaana si xowli ah loogu takri falay dhulkii danta guud gobol kasta oo dalka ka mida, iyadoo kaabayaal dhaqaale oo waaweyn sida dekado ay beelo gaara heystaan. Waxaa iyana wax lala yaabo ah in xafiiska madaxweynaha arrintan dhulka danta guud ku soo koobo magaalada Muqdisho iyo G/Banaadir, sida in madaxweynuhu xukumo Muqdisho oo kaliya, waxayna ahayd in war-madaxweyne loo ekeysiiyo oo saameynaya guud ahaan Jamhuuriyadda.

    8-DA FEBRAAYO KADIB

    3- Khaladka ugu yaabka badan ee ka dhex muuqday Warka kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada ayaa ah in arrinta dhulka dant guud ee la joojiyey bixintiisa ay kasoo bilaabaneyso kadib doorashadii Madaxweyne Farmaajo 8-da Febraayo 2017, iyadoo la ogyahay in xilligii ugu badnaa dhulka dowladda la bixiyey uu ahaa 2012 ilaa 2017. Tani waxay micnaheeda noqoneysaa inuu Madaxweynaha xalaaleeyay wixii hanti dowlad ahaa ee la bixiyay intii ka horeysay markii uu xilka qabtay.

    YAA KA DANBEEYAY..?

    Marka la eego qaabka qoraalka loo dhigay, xilliga uu soo baxay iyo qaabka loo qoray wuxuu u muuqdaa qoraal ay diyaariyeen wiilal yaryar oo dagaal kula jira maamulka G/Banaadir, isla markaana ay u muuqato inay xiisad siyaasadeed ka dhex abuuraan madaxtooyada & G/Banaadir, waana isla kuwii hore madaxweyne Farmaajo u geliyay dagaallada sharciyeed iyo kuwa siyaasadeed marka laga soo bilaabo kiiskii Qalbi-dhagax.

    Dhulka dowladda G//Banaadir Top Villa Somalia Xafiiska madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Guriceel & Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda
    Next Article KASHIFAAD & XAQIIQO: Maxaa ka jira in Maamulka G/Banaadir uu iibsaday Barxadda Ceelgaab..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo