Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ka tirsan kalfadhigooda lixaad ee dhowaan furmay iyadoo xogheynta Baarlmamaanka ay shaacisay ajendayaasha maanta ay ka doodayaan xildhibaannada.
Xildhibaannada oo la filayey in klafdhigan ay uga doodaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda dalka ayaa weli ku dhex jira ajendayaal caadi ah iyo akhrin hindise sharciyeedyo fara badan oo xukuumaddu u soo gudbisay, iyadoo Saddex ajende ay kulankooda maanta hor yaallaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, kuwaasoo kala ah:
1- Akhrinta koowaad Axdiga ilaalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada
2- Akhrinta koowaad ee ka mid noqoshada Hay’adda Damaanad-qaadka Maalgashiga Darafyada badan
3. Akhrinta labaad Hindise Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka