Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»AKHRISO: Shan Caqabad oo ka hor imaan kara Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya [Faallo]

    AKHRISO: Shan Caqabad oo ka hor imaan kara Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya [Faallo]

    August 24, 20186 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa horyaalla caqabado waaweyn oo ka hor imaanaya marka uu xafiiska fariisto magaalada Jigjiga.

    Caqabadahaas hoggaankiisa cusub ka hor imaan doona ayaa Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan, haba ugu horeyso dhaxalkii qaraaraa ee uu ka tegay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo isbedelka Itoobiya ka socda.

    1- Liyu Boolis

    Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar.

    dadka wax indha indheeya waxay u aanaynayaan dhowr arrimood middood.

    – Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqanki hore ee lagu xanto inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.

    – Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddi dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu imaan karaa haddii aysan dhicin is cafin iyo dib u heshiin.

    – Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihi xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda.

    2- Qaab dhismeedka degaannada

    Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey.

    Haddii uu isku dayo madaxweynaha inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeya sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar.

    Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta?

    Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulki hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo.

    3- Xiriirka Dawladda Federaalka

    Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xiriirka uu maamulka madaxweyne Mustafe a yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin karo oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toossoo Toossoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm.

    Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloola waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tillaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”.

    Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada, ayadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay milkiyad u haystaan xoog looga qaaday.

    Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu sameeynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u sameeysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo.

    Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo.

    Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaartay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin.

    4- ONLF iyo Kooxaha mucaaradka

    Jabhadda Waddaniga Xureynta Ogaadeen (ONLF) oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos tago Itoobiya ay uga xoreyn lahayd iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiidd iyo SRAJ waxay doonayeen iney maamulka CAbdi markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la waregaan.

    Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo uu madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana wax weyn ay ku kala duwaneen xagga aragtida mucaaradnimada, haddana ONLF waxay kaga duwan tahay waxay dooneysaa iney gobolkan gabigiiba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya.

    Xisbiga talada deegaanka haya ee XDSHSI oo isaguna siyaasadda deegaanka ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo.

    Haddaba dhinacyadan siyaasadeed haddii uu madaxweynaha sida ku habboon loola dhaqmin qaab dhismeedka dowlaiga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin waxaa adkaaneyso iney xaaladda siyaasadeed ee deegaanka degto, waxay taana ka mid ah caqabadda uu madaxweynaha la kulmi karo haddii sida ugu munaasabsan uu u maareynin.

    5- Isku dhacyada Oromada iyo Somalida

    Dhowrki sano e u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniya badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafki horay labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray.

    Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sanaddi ugu dambeeyey ahaa kuwa siyaasadeysan sidi loo joojin lahaa oo labada shacab ee xadka dheer wadaago dib looga walaaleyn lahaa ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalida dad badan ayaa laga laayey dhulna waa laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay. Labadaasi aragto ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusub.

    DDSI Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar)
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada NISA oo shaaciyey inay Muqdisho ku qabteen Laba xubnood oo ka tirsan Alshabaab
    Next Article Dad shacab ah oo magaalada Garbahaarey ku weeraray Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo