Heshiiskii Doorashada ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo saddex maamul goboleed + Gobolka Banadir ku gaareen magaalada Dhuusamareeb (Samareeb) wuxuu abuuray su’aalo badan oo aanay ka jawaabin qodobadii heshiiska iyo khudbadihii madaxda saxiixay heshiiska.
Heshiiska guud ahaan waa isbedel weyn oo ku yimid rabitaankii Madaxweyne Farmaajo iyo caddeyn fashilka inay dowladdu qaban karin doorasho QOF iyo COD ah, laakiin isla heshiiska qodobbo ka mida waxay u baahan yihiin faahfaahin badan iyo kala caddeyn keeni karta inuu u dhutiyo, inkastoo uu weli qabyo yahay.
SHANTA SU’AAL EE UU HESHIISKU DHALIYEY WAXAY KALA YIHIIN:
Doorashadu inkastoo ay dadban tahay haddana waxaa ku dhex jira laba hab oo kala duwan, sida uu muujinayo qodobka 3-aad ee heshiiska ergada halkii kursi dooraneysa waa 301, laakiin qodobka 8-aad wuxuu leeyahay kuraasta Somaliland lagu dooranayo doorasho dadban oo micnaheedu yahay in kirsigiiba ay dooraneyso 51 ergo. Arrintan waxaa ka dhalaneysa in xildhibaannadd Golaha shacabka ay noqdaan kuwo lab qaab oo kala heer sareeya ku yimid oo sharciyadoodu muran geli karto. (Waa arrin u baahan in xal loo helo oo ergada la simo)
Qodobka 9-aad wuxuu si cad u sheegayaa in Guddiga Doorashooyinka Qaran looga danbeeyo qorsheynta iyo fulinta doorashada, laakiin ay kaashan doonaan maamul Goboleedyada, halka qodobadda 2-aad door aan kala caddeyn uu siinayo mamul Goboleedyada marka la dhisayo Guddiga xulista ergada.
(Sharci ahaan Guddiga Doorashooyinka Qaran awood uma laha qabashada doorasho aan ahayn mid qof iyo cod ah, waxaana sabaabta iyado dhisan looga reebay doorashadii 2016. Maamulka Doorashada waa arrin kalsooni u baahan, waxaana Guddiga Xaliimo-yarey lagu xaglinayaa Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inuu noqodo Qodobka ugu weyn ee ay diidan yihiin maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland).
Heshiiska Doorasho ee Dhuusamareeb wuxuu qodobkiisa 10-aad sheegayaa in Doorashada 2020/2021 lagu geli doono hannaanka Xisbiyada badan, laakiin waxay xaqiiqadu tahay in xisbiyada jira KMG yihiin, waqti dheerna u baahan yihiin inay buuxiyaan shuruudaha xisbinimada rasmiga ah, tiiyoo sharcigoodii dib loo eegay aan la ansixin weli. (Tani waxay ka dhigan tahay in kuraas ku qeybsan 4.5 oo hannaan beeleed ku dhisan lagu darayo xisbi iyadoo aan la ogeyn sida la isu waafajinayo)
Heshiisku wuxuu mar kale sharciyeynayaa in kuraasta loo xawilo degaano aan ahayn kuwa dadka dooranaya kasoo jeedaan, taasoo ay ka dhalan karo xawilaad ergo, lana siyaasadeyn karo. Qodobka 7-aad ee Guddiga Doorashada siinaya inuu kuraasta ka wareejiyo degaanada aan amniga ahayn waa in loo yeela shuruud, taasoo haddii aanay dhicin keeni karta musuq baahsan.
Qodobka kale ee mugdiga badan ku jiro, su’aalaha badanna ka dhasheen ayaa ah in Golaha Shacabka awood loo siiyey inuu ansixiyo Heshiiska Doorashada, wayna dhici kartaa inuu diido, taasoo xaaladda dalka gelin karta mugdi kale . Sidaas darteed waa in heshiis doorasho sidiisa loo qaataa ama ugu yaraan la damaanad qaadaa in la ansixinayo.
Kadib Heshiiskan waxaa socda dadaallo kale oo lagu doonayo in shir kale oo loo dhan yahay la isugu yimaado si xal loogu helo arrimahan ka dhex muuqda heshiiska, loona helo heshiis loo dhan yahay, taasoo laga yaabo in lagu saxo su’aalahan iyo kuwa kale oo ka dhashay heshiiska qabyada ah ee Dhuusamareeb 3.