Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Sharci lagu ansixiyay & Go’aanno ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia

    AKHRISO: Sharci lagu ansixiyay & Go’aanno ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia

    January 18, 20184 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhan yahay.

    Ugu horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo usbuucii hore safar shaqo ku maqnaa.

    Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay. Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka .

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye u noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoono carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya.

    Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo. Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd.

    Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada kooxada argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican u marayaan in la soo gabo gabeyn doono dagaalka Alshabaab.

    Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socda G/Shacabka iyo Aqalka Sare, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay kormeerayeen sida daah furnaanta ah ee ay xulistu u socotay. Ka dib 45 ayaa u soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha wasiirada kulamadooda dmbe si loo ansixiyo.

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu sheegay in wax-kabedelkii wasiiradu horey u codsadeen lagu soosameeyey, lagalana tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah u ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah.

    Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega .SO oo dhowaan lagu soo wareejin doono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray ay dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in la isla oggolaaday in dhowaan la soo wareejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirada ay muddo ka soo shaqeynayeen. Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tubta Siyaasada loo dhanyahay oo qeexeysa waqtiyeynta la rabo in la soo gabo-gabeeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020ka. GolahaWasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee 2020ka.

    Golaah Wasiirada Kheyre xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSarakaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo toogasho ku dilay taliyihiisii Magaalada Muqdisho
    Next Article Magaalooyin cusub oo lagu soo kordhiyey Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Gobollada Dhexe

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo