Sharciga Isgaarsiinta Soomaaliya
QEYBTA 1-AAD
Erey-bixin iyo ujeeddada Sharciga
Qodobka 1aad:
Erey-bixin
1. Hay’adda isgaarsiinta : waxaa loola jeedaa hay’adda isgaarsiinta qaranka.
2. Mareeyaha guud: waxaa loola jeeda maareeyaha guud ee ha’adda isgaarsiinta.
3. Go’aan: waxaa loola jeedaa go’aan qoran ay soo saartay hay’adda isgaarsiinta
qaranka.
4. Hab-Dhaqan: waxaa loola jeedaa xeerar, xeer nidaamin iyo xeerarka
nidaamiya ruqsadaha kala gadisan oo ay bixiso hay’adda isgaarsiinta.
5. Ruqsadda: waxaa loola jeedaa shatiyada(licenses) ay bixisay hay’adda
isgaadhsiinta qaranka,ogolaanayana bixinta adeegyada isgaarsiinta si waafaqsan
xeerkan
6. Ruqsad guud: waxaa loola jeedaa ogolaanshaha awood baahsan ee
isgaarsiineed sida hirarka shabakadaha iyo numbarada qaranka.
7. Ruqsadle : waxaa loola jeedaa hay’ad(entity) walba oo leh ruqsad ay bixisay
hay’adda isgaarsiinta qaranka
8. Furaha Qaranka: waxaa loola jeedaa 252(National code)
9. Summadda Qaranka: waxaa loola jeedaa Dot so (domain)
10. Fiber Optic: Waxaa loola jeedaa dhagaatiyaha xanbaara internetka iyo Hirarka
Isgaarsiinta
11. Hirarka Raadiyaha Isgaarsiinta: waxaa loola jeedaa qeyb ka mid ah
mowjadaha raadiyaha ee Hay’addu u qoondeysay adeegyada isgaarsiinta.
12. Qorshaha Lambarada Qaranka: waxaa loola jeedaa shax Hay’adda
Isgaarsiintu ku muujineeyso qoondeeynta tirada lambarada taleefoonnada.
13. Adeeg Bixiye: waxaa loola jeedaa shirkad ay u sharciyeysay Hay’adda
Isgaarsiintu inay adeeg isgaarsiin bixiso.
14. Wadatashiga Bulshada: waxaa loola jeedaa qaab wadatashi oo ku saleysan
hab-muuqda oo Hay’adda Isgaarsiintu ku ururiso xogaha laxiriira Hormarinta
Isgaarsiinta.
15. Dadweynaha : waxaa loola jeedaa dadka waxgaradka ah sida culimaa’udiinka,
aqoonyahanada iyobulshada rayidka ah.
16. Helitaanka Guud ee Adeegga Isgaarsiinta: Waxaa loola jeedaa helitaanka
adeeg isgaarsiineed dhammaan macaamiisha isgaarsiinta, iyadoo aan loo eegin
degaan fog ama dhow.
HOOS KA AKHRISO
[pdf-embedder url=”https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/10/SHARCIGA.pdf”]