Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya golihii wasiirada, kuwaasoo kala ah afar wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle.
Xubnaha cusub ee ku soo biiray Xukuumadda Kheyre ayaa dhammaantood ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, taasoo Golaha Wasiirada ka dhigtay in xubnaha marka 4 meelood loo qeybiyo 3 meelood 4/3 inay yihiin xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.
Shax ay soo saartay mareegta wakiil ayaa muujineysa in Golaha Wasiirada oo ka kooban 25 wasiir ay 17 ka mida yihiin Xildhibaanno, halka 25-ka Wasiir ku xigeen 20 ka mida yihiin Xildhibaanno, sidoo kalena 15-ka Wasiiru dowle ay hadda 11 ka mida ay noqdeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
HOOS KA DAAWO SHAXDA