Guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta soo bandhigay sida loo been abuurtay ee wax looga bedelay afartii xeer ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka, kuwaasoo qaarkood la ansixiyey, qaarka kalena a hor yaallaan Golaha Shacabka.
Wax ka bedelka xeerarkan oo si qarsoodi ah u dhacay ayaa lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sida ku cad shaxda hoose laga leeyahay in saddex qodob oo halis ah, kuwasoo kala ah:
1- In meesha laga saaro doorkii Aqalka Sare ku lahaa Xeerarkan oo Baarlamaanka kaliya isu koobo awoodda.
2- In laga boodo habraacii sharciyadda ee in loo gudbiyo Aqalka Sare, kadibna uu saxiixo madaxweynaha.
3- Iyo in si dano shaqsiyaad ku jirto kuraasta Baralmaanka qaarkeed loo rarro degaano aysan beelahoodu degin.
Arrimahan oo dhami waxay yimaadeen markii Guddoomiyaha Aqalka Sare ka baxay fadhiyadii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo ka diiday Madaxweynaha inuu kusoo laabto fadhiyadii wadajirka ahaa iyo inuu taageero qorshaha taageerada Guddiga Doorshada Qaran ee Xaliimo Yarey hoggaamiso.

HOOS KA AKHRISO SHAXDA





