Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda, Waxyaabihii looga hadlay & Go’aanadii ka soo baxay

    AKHRISO: Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda, Waxyaabihii looga hadlay & Go’aanadii ka soo baxay

    February 22, 20182 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Shirka oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa looga dooday heshiiskii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda la gashay ha’aydda “MIGA” ee bankiga aduunka, Hirgalinta barnaamijka xakamaynta iyo qoondaynta ee dhaqaalaha dawladda, Ansixinta heshiisyadii hore ee loo gudbiyay Gollaha, Warbxin ku saabsan ceelasha biyaha, Amnigga iyo arrimo kale oo Muhiim ah.

    Ugu horayn Wasiirka Amnigga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaal, ayaa laga dhagaystay warbxin soo koobaysa xaaladda guud ee amanigga dalka gaar ahaan amaanka Muqdisho. Waxuuna wasiirku cadeeyay in ay jiraan baabuur kuwa raaxda ah oo lagu soo xiray qalabka waxyaabaha qarxa ay ku jiraan si loogu dhibaateeyo bulshada, isagoona u digay shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan gaarigaas hadii ay arkaan ay ku soo wargaliyaan laamaha amnigga.

    Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa gollaha usoo bandhigay barnaamijka xakamaynta iyo qoondaynta dhaqaalaha dawladda (Commitment  Control) kasoo ay dajisay xukuumaddu si loo ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kan baxa dawladda Soomaaliya. Waxuuna tilmaaamay in dhaqan galinta barnaamjkan uu meel fiican marayo, dhammaan wasaaradihii ay khusaysana ay fuliyeen.

    Wasiir Bayle ayaa intaas ku daray in ay Soomaaliya ka mid noqotay 10-ka dal ee uu soo wanaagsanaaday nidaamkooda maaliyadeed, isagoona taas u sababeeyay dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalena ay tahay guul usoo hoyotay dawladda Soomaaliya.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay heshiis ay wasaaraddu la gashay hay’adda “MIGA” ee hoostimaada bankiga aduunka, taas oo maalgashiyo badan ka hirgalisay dalka. waxuuna tilmaamay in heshiiskan uu faa’iido wayn uu uleeyahay Soomaaliya. Waxuu kaloo sheegay wasiirku in heshiiskaas ay saxiixayn 82-wadan, aduunkuna uu isku raacay in ay Soomaaliya gaartay horumar wayn, ayna tahay in lala galo heshiiyo maalgashi oo caalami ah.

    Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka warbixiyay howlgaladda ay ciidanka Soomaaliya ka wadaan dhammaan degmooyinka iyo goboladda dalka, waxuuna tilmaamay in ay meel fiican marayaan dhawaana Alshabaab laga sifayn doono guud ahaan dalka.

    Golaha wasiirada Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Turkiga oo khudbad u jeediyay Askarta Soomaalida ee Turkigu tababarrayo
    Next Article Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo Saxafiyiinta ka hor istaagay inay tebiyaan Booqashada Wafdiga Turkiga [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo