Kadib markii lagu dhawaaqay xilliga la qabanayo Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ku beegan 8-da April 2017, ayaa waxaa soo baxaya musharixiin ka tanaasulaya tartanka.
Shuruudaha laga rabo musharaxa madaxweynaha ayaa waxaa ugu weyn inuu bixiyo lacag dhan 30,000 Doolar. Waxaa kaloo wehliya inuu saxiix ka heyso 20 xildhibaan, laakiin shuruudahan ayaa ah kuwa ugu adag iyadoo shuruuduha ku qoran Dastuurka ay yihiin kuwo guud.
Shuruudaha waxaa ka mida:
(a) Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;
(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(d) Dhimirkiisu dhan yahay;
(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.
HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA MADAXWEYNAHA & QAABKA LOO DOORANAYO
GOOBJOOGE.COM