Wararka laga helay magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweyne C/weli Gaas ay ku adkaatay inuu Aqalka sare u soo sharxo musharaxiin tiro yar markii ay soo baxeen musharixiin fara badan oo doonaya xilalkaasi.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa laga rabay inuu soo sharxo ugu yaraa 22 musharax si kursigiiba ay ugu loolamayaan laba musharax, laakiin waxaa la sheegay inuu soo sharxay 44 musharax oo ka dhigan in kursigiiba ay u taagan tahay 4 musharax.
Liis ay ku qoran yihiin 44 musharax ayuu C/weli Gaas diyaariyay, kaasoo dib loo dhigay in loo gudbiyo Baarlamaanka Puntland oo laga doonayo inuu 11 ka mida ka doorto.
BEELAHA PUNTLAND AYAA 11-KA KURSI EE AY KA HELEEN AQALKA SARE LOOGU QEYBIYAY SIDA SOO SOCOTA:
Dhulbahante: 2 xubnood
Warsangeli: 1 xubin
Leelkase: 1 xubin
Dashiishle: 1 xubin
Majeerteen: 6 xubnood, oo loogu ay u kala heleen:
Cumar Maxamuud: 1 xubin
Ciise Maxamuud: 1 xubin
Cismaan Maxamuud: 1 xubin
Cali Saleebaan: 1 xubin
Mahad Cawad: 1 xubin
Beelaha kale ee Majeerteen: 1 xubin
Wadani.com