Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Akhriso: Taariikh Nololeedka Danjire Marxuum Ciise Dheere: Odaygii Diblomaasiyiinta

    Akhriso: Taariikh Nololeedka Danjire Marxuum Ciise Dheere: Odaygii Diblomaasiyiinta

    June 17, 2020Updated:June 17, 20202 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday 16-kii June 2020 Odaygii Dilomaasiyiinta Soomaalida ee Ciise Maxamed Cali (Ciise Dheere) oo muddo dheer kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

    HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA

    Marxuum Ciise Dheere waxa uu ku dhashay Muqdisho 1942, waxaana  sanadkii 1965 ka qalinjebiyay Machadka Diiniga Alazhar ee Muqdisho, isla waqtigaasi waxa uu ku biirray Machadka Tababarka Macallimiinta, isagoo sanadkii 1968 shaqa macallinimo ka helay Wasaaradda Waxbarashada.

    Ambassador Isse Ali Mohamed (Isse Dhere), waxa uu noqday Agaasimaha Naadiga Macallimiinta, sidoo kale Agaasimaha Barbaarinta iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Tacliinta sare xilligii Dowladdii Milatariga.

    Marxuumka oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole 1974 ayaa xilal kala duwan ka qabtay dalka, isagoo noqday Madaxa Tababarka Ceel Jaalle, si la mid ah Madaxa Wargeyska Codka Macallinka, waxa uu sanadkii 1986 xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horreeyay ee Dowladdii Milatariga ee Kacaankii 21 Oktoobar ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

    Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) oo ahaa macallin iyo Aqoonyahan si weyn loo ixtiraamo waxaa safriikii ugu horeeyay uu ka noqday alka Tunisia sanadkii 1985, isagoo sidoo kale ahaa Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya ee xarunta Jaamacadda Carabta oo xilligaasi ahayd caasimadda Tunis.

    Sanadkii 1987 waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo ilaa sanadkii 2002 uu hayay, noqdayna safiirkii ugu waqtiga dheeraa.

    Sanadkii 2002 wuxuu noqday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti oo muddo bilooyin kooban ka shaqeeyyay, balse uu ka cudurdaartay inuu muddo xileedkiis dhammaystirto xaaladda cimillada dalkaasi awgeed.

    Marxuumka ayaa sanadihii 2009 illaa iyo 2016 ka ahaa Madaxtooyada Qaranka “Villa Somalia” Lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadda, isagoo la soo shaqeeyay Madaxweyihii Federaalka KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Allah u naxariistee Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ka mid ahaa tan iyo 2013 Guddi sare oo lataliyeyaal ah oo Wasaaradda Arrrimaha dibadda dhisay, kana talo-bixiya Siyaasadda Dibadda, dib u habaynta Wasaaradda iyo xal u helidda dacwooyinka Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud.

    Danjire Ciise Dheere oo ahaa bare sare, xeeldheere si mug leh u yiqiinnay Afka Carabiga, diblomaasi sare iyo qoraa xirfad yaqaan ah ayaa ku tilmaannaa dhowrsanaan adinkiisa iyo afkiisa laga nabad galay, dadka iyo dalkana jeclaa ayaa muddo bil ku dhow ku xanuunsanayay Caasimadda Muqdisho ugu dambeyne shalay ayuu ku geeriooday Magaalada Muqdisho.

    Geeridiisa waxaa ka tacsiyadeedyay madaxda dowladda Soomaaliya, wasiirka Arrimaha dibadda, waxayna u rajeeyeen inuu Alle naxariistii Janno ka waraabiyo. AAMIIN.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDaawo Raqiis ah oo hadda la ogaaday inay badbaadin lahayd Bukaanadda Covid-19
    Next Article Ciidamada Milateriga oo howlgal ka fuliyey Degaan ka tirsan Ceelbuur & Alshabab oo ka warhelay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo