Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»AKHRISO: Taariikh Nololeedka Ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

    AKHRISO: Taariikh Nololeedka Ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

    April 1, 2020Updated:April 1, 20203 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo 82 sano jir ah.

    Marxuumka ayaa soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2007-2009, wuxuuna xilkaas hayey xilli adag oo dalka dagaallo culus ka socdeen, isagoo horseeday heshiiskii Maxkamadaha Islaamiga iyo Dowladda Federaalka oo lagu dhisay dowladii uu hoggaaminayey Sheekh Shariif.

    Nuur Cadde ayaa isbitaalka Kings College ee magaalad London ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo muddo laba toddobaad ah uu la xanuusaneyay, isagoo saaka 7:00 subaxnimo xilliga Muqdisho April 2020 geeriyooday.


    Akhriso Taariikh Nololeedkiisa oo kooban

    Nuur Xasan Xuseen oo loo yaaqaan (Nuur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha Soomaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna wuxuu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

    Col. Nuur Cadde waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

    Wuxuu Cidanka Booliska Somaaliyeed ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, isagoo kasoo qabtay xilal kala duwan, sida: Taliye ku xigeenka Xafiiska Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

    Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed.

    Wuxuu Nuur Cadde ka mid noqday mutadawaciinta ka tirsanururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka.  

    Wuxuu dagaaladii sokeeye kadib noqday Xoghayaha guud ee Hay’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo 17 sano ah uu hayey xilkaasi ilaa 2007.

    Col. Nuur Caddde wuxuu lahaa khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan 50 sanadood. Wuxuuna madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990).

    Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn ka qaatay badbaadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.  

    Wuxuu hormuud u ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya oo kaalin weyn ka qaatay gargaarkii umadda Somaaliyeed loo fidiyey xilligii dagaalada sokeeya iyo macaluusha, iyadoo ay Bisha Cas maamuleysay Isibitaalada waaweyn sida Medina Hospital, Keysaney Hospital, Garowe iyo Baydhaba Hospital. Waxa kale oo ay maamulaan sagaal iyo afartan (49) xarumood ee caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

    Novembar 2007 ayuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay Ra’iisal wasaaraha dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya.

    June 2009, waxaa loo magacaabay Safiirka Somaaliya ee dalka Talyaaniga.

    Nuur Cadde wuxuu ahaa nin lagu yiqiin deggenaan, daacadnimo iyo howlkarnimo, isagoo dadkii lasoo shaqeeyay ay ku xusuustaan sidii uu nadiifka uga ahaa musuqmasuqa.

    Geeri Nuur Cadde Taariikh nololeedka Nuur Cadde Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Nuur Cadde oo Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday London
    Next Article Musharixii Dowladda Somalia oo ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo