Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»AKHRISO: Taariikh Nololeedka Wasiir ku xigeenkii Shaqada & Shaqaalaha Soomaaliya

    AKHRISO: Taariikh Nololeedka Wasiir ku xigeenkii Shaqada & Shaqaalaha Soomaaliya

    March 23, 2019Updated:March 23, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku dhintay wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla oo ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii Alshabaab ku qaadeen xarunta Wasaaradda. Haddana waxaan idin soo gudbineynaa taariikhda marxuumka.

    Allaha u naxariistee, Saqar Ibraahin Cabdalla waxa uu ahaa xildhibaan kamid ahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo, sanadku markuu ahaa 1976-dii. Deegaan-doorashada xildhibaanka, oo ku cusub Baarlamaanka, waa Jubbaland. Swaqar waxa uu, sidoo kale, ahaa wasiir ku-xigeenka  wasaaradda  shaqada  iyo arrimaha  Bulshadda xukuumadda Soomaaliya.

    Waxbarashada

    Dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu xildhibaanku ku qaatay dugsiga Calanley ee magaalada Kismaayo,  waxaana burburka dalka uu dhacay isaga oo maraya fasalka 1-aad ee dugsiga sare.

    Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu xildhibaanku tagay dalka Kenya. Dugsiga sare waxa uu kaga baxay dugsiga Al-nur ee Kenya.

    Waxa uu heerka 1-aad ee waxbarashada sare ku qaatay Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, sanadkii 2006-dii. Taqasuskiisu waxa uu ahaa Sharciga iyo Qaanuunka.

    Allaha u naxariistee, xildhibaanka oo sii wata safarkiisa waxbarasho ayaa shahaadada 2-aad ee Mastarka ka qaatay Jaamacadda International Islamic University ee dalka Malaysia, sanadkii 2015-kii. Isagoo taqasuskiisu ahaa Sharciga Caalamiga ah.

    Swaqar iyo Siyaasadda

    Safarkiisa siyaasadda ka hor waxa uu xildhibaan Saqar ahaa bare machadyo waxbarasho illaa uu bare jaamacadeed ka noqday, oo uu wax ka dhigay jaamacadda International Islamic University ee Malaysia.

    Waxyaabaha ku qasbay inuu xildhibaan noqdo waxaa uu ku sheegay in ay kamid ahayd dadka uu matalayey inuu horumar ku hoggaamiyo, islamarkaana uu wax badan u qabto.

    Waxa uu aaminsanaa xildhibaanku in xubin kasta, oo katirsan baarlamaanka, ay saaran tahay mas’uuliyadda ah inuu ka warqabo deegaan-doorashadiisa, islamarkaana uu ogaado xaaladda bulshadda ku nool ee uu matalo.

    Himillada xildhibaanka ku taagneyd waxay ahayd inuu ka dhiso bulshadiisa dhinac kasta, isaga oo mudnaan gaar ah siinayey waxbarashada oo uu aaminsanaa inay ka muhiimsan tahay waddooyin la dhiso iyo waxii lamid ah.

    Allaha u naxariistee, Xildhibaan Swaqar Ibraahin Cabdalla, oo ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxa uu maanta ku dhintay weerar ismiidaamin iyo toogasho isugu jirta, oo la sheegay in ay Al-Shabaab ku qaadeen Wasaaraddiisa, halkaas oo ay dad kaloo badanna ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

    Isha: Kalfadhi

    Alshabaab Baarlamaanka Saqar Ibraahin Cabdalla Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Tacsi & Farriin diray. “Waa in Shacab iyo ciidan loo midoobo argagixisada”
    Next Article Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kulan degdeg ah ugu yeeray AMISOM & Qorshe dagaal lagu qaadayo Alshabab..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo