Allaha u naxariistee waxaa saaka 10 May, 2020 magaalada Kuwait City ee dalka Kuwait ku geeriyooday Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo ahaa Diblomaasi sare ruugcaddaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii Soomaaliya.
Madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa tacsi u diray Qoyska iyo ehaladda Marxuumka, iyado dadka Soomaaliyeed la wadaagay taariikh nololeedkiisa.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDIISA
Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys wuxuu 15 May, sanadkii 1945 ku dhashay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Waxbarashadiisii Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay Magaalada Qaahira sanadkii 1965.
Wuxuu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, isagoo sidoo kale Shahaado sare oo difaaca iyo Amniga Qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.
Marxuumka wuxuu qaatay koorsooyin tababar oo isugu jira: diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waaweyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya, isagoo tababarr o u tegay dallaka Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008.
Ambassador C/qani Maxammd Waceys wuxuu ahaa macalin Juquraafi iyo taariikh ka dhiga Dugsiyada Sare ee dalka intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Baydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976.

Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986.
Wuxuu kaloo qabtay xilka Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waaweyn ee Muqdisho intii u dhexeysay sanadihii 1986-1987.
Sarkaalka xiriiriya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid oo uu ahaa intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.
Waxaa loo magacaabay Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991.
La-taliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.
La-taliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.
Sii-hayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.
Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.
Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.
Wuxuu bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad
Marxuum Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo 9 caruur ah, wuxuuna ku hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska.
Wuxuu saaka ku geeriyooday dalka Kuwait, sida uu sheegay wiil uu dhalay, waxaa geeridiisa sababay cudurka Coronavirus. Sabtidii hore ayaa la baaray, lagana helay cudurka, iyadoo uu muddo 5 maalmood ah uu ku xirnaa qalabka neefsashada ka caawiya.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN