Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»AKHRISO: Taariikh Nololeedkii Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre

    AKHRISO: Taariikh Nololeedkii Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre

    February 24, 2019Updated:February 24, 20192 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    -Marxuum Ec. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ku dhashay Gobolka Awdal ee Gobolada waqooyi ee Soomaaliya 1939-dii,halkaas oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo,wuxuuna Qur,aanka Kariimka ah uu ku bartay Degmada Boorama iyadoo dugsiga hoose,dhexe iyo sare uu ku qaatay isla Boorame.

    Marxuum Boqorre dhalinyaranimadiisii wuxuu ka mid noqday ciidanka Xoogga dalka wuxuuna ka qayb qaatay dagaalladii 1964 iyo 1977dii waxaana labada marba ka soo gaaray dhaawacyo, Allaha unaxariistee marxuumka wuxuu darajada Ciidamada ka gaaray Gaashaanle Sare, muddo dheer ayuuna ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibaddiisa wax ku soo bartay.

    Burburkii dowladdii Soomaaliya kadib, waxaa uu marxuumka ku biiray Siyaasadda sanadkii 2000 ayuu ka mid noqday xildhibaanadii Baarlamaanka ee dowladdii lagu soo dhisay deegaanka Carta  ee dalka Jabuuti.

    2004-tii wuxuu noqday Xildhibaan iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka. Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre Allaha unaxariistee intii Siyaasadda uu ku jiray wuxuu ka qaybqaatay doorashada Afar Madaxweyne oo uu dalku yeeshay, sanadkii  27 December 2016kii, waxaa uu marxuum Boqorre noqday Xildhibaanka ugu da’da weynaa Golaha Shacbiga sidaa darteedna waxaa loo doortay in uu Gudoomiyo Baarlamaanka inta guddoomiye rasmi ah laga dooranayay.

    Dhanka kale Marxuum Boqorre wuxuu ahaa Xildhibaan afkaartiisa siyaasadeed si qeexan fagaarayaasha ugu soo bandhiga isagoo ka jeedin jiray kal-fadiyada Baarlamanka ay yeeshaan. sanadkii hore ee 2018kii hadal uu Golaha Shacbiga hortiisa ka jeediyay waxuu kaga hadlay amaanka Muqdisho, isagoo Xildhibaanada,wasiirada iyo Saraakiisha kale ee dowladda u soo jeediyay in ay cabsida iska daayaan oo ay degmooyinka kala duwan ee  Muqdisho ay dagaan si ay bulshada ay matalaan uga war hayaan.

    Marxuumka wuxuu hadda ka mid ahaa Gudiga difaaca ee Baarlanka, wuxuuna ahaa shaqsi mar walba u dooda daryeelka ciidamada, wuxuuna hoosta ka xariiqi jiray in haddii ciidamada dalka ay helaan daryeel buuxa iyo ka war hayn joogta ah, in amniga dalka uu horumar ku tallaabsanayo.

    Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre dadka ay isla soo shaqeeyeen waxay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi aad ugu dadaala Cibaadada Alle, aad u naxariis badan qunyar socod, samirbadan, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo Caruur  isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

    W/D: Gobdoon

    Cismaan Cilmi Boqorre Muqdisho Taariikhda Cismaan Cilmi Boqorre
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDuqeymihii ugu badnaa oo xalay lagu qaaday Xarumaha Alshabab Sh/hoose & Shacab waxyeello kasoo gaartay [Sawirro]
    Next Article XOG: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo faragelin ku sameeyay xaalad ka dhalatay Shirkad Qandaraas kula jirta xukuumadiisa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo