Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»AKHRISO: Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya [Walaalkiis waxaa dilay Liyu Police]

    AKHRISO: Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya [Walaalkiis waxaa dilay Liyu Police]

    August 23, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa shalay loo magacaabay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) inuu noqdo madaxweynaha KMG ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, isagoo aan ka tirsaneyn xisbiga talada haya ee DDSI.

    Golaha dhexe ee Xisbiga Dimoqradaadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo shirar uga socdeen magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweyne KMG ah ilaa sanadkan 2020 oo doorasho ka dhici doonto degaanka Soomaalida Itoobiya.

    HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKA MADAXWEYNAHA CUSUB EE DDSI

    Mustafe wuxuu ku dhashay 1972 magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya. Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkoodu uu u guuray, halkaasoo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.

    Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ku sameeyey jaamacadda Addis Ababa, kulliyadda dhaqaalaha, halkaasoo uu ka qaatay shahaadada 1aad ee cilmiga dhaqaalaha.

    Shahaadada Labaad ee jaamacadda (masters) ee isla dhaqaalaha wuxu ka qaatay Imperial College of London.

    Wuxuu agaasime ka soo noqday machadka tababarka macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno kulleejka tababarka macallimiinta ee Cabdulmajiid.

    Wuxuu kaloo soo noqday wasiir ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Soomaalida. Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA, iyo qaar kale. Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani’aadminimo ee Qaramada Midoobay.

    Wuxuu ka soo shaqeeyey hawlaha bani'aadminimada ee Qaramada Midoobay

    Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) madaxweynaha cusub ee DDSI

    Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006/7 ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaasoo uu gacan ka gaystay in la kashifo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

    Iminka inta aan la magacaabin wuxuu u shaqaynayey hawlgalka bani’aadminimada Qaramada Midoobay oo uu u ahaa sarkaalka qaabilsan xiriirinta hawlaha bani’aadminimada ee Soomaaliya.

    Mustafe Muxumad Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waana nin aad wax u qora. Wuxuu aad uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar. Oktoobar 2016 waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey.

    Markii uu u hogaansami waayey digniintaas ayaa ciidanka Liyuu Boolisku qabteen oo ay ka kaxaysteen aabihiis oo 70 jir ahaa, iyo walaalkiis ka yaraa, Faysal Cumar oo ay ka qabteen magaalada Dhagaxbuur.

    Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in Faysal la dilay, kadib markii  laga tuuray gaari xawli ku socday, iyadoo kadibna la sheegay in uu isagu is dilay, xilli uu aabihii goobjoog ahaa, waxaana arrintan loo arkaa isbedel weyn oo dhacay Degaanka Soomaalida Itoobiya.

    Dad badan ayaa baraha bulshada kusoo dhoweeyay madaxwenaha cusub ee Soomaalida Itoobiya, waxayna sheegeen inuu yahay aqoonyahan isbedel weyn ka sameyn doono degaanka Soomaalida Itoobiya.

    DDSI Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) Taariikhda Mustafe Muxumed Cumar Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBooliska Muqdisho oo soo bandhigay Dhalinyaro hubeysan oo howlgal lagu soo qabtay [Sawirro]
    Next Article WAR CUSUB: Madaxweynaha Cusub ee DDSI oo Magacii & Calankii ka bedelay Degaanka Soomaalida Itoobiya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo