Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Taariikhda Muuse Biixi Cabdi [Musharaxa Madaxweynaha Somaliland]

    AKHRISO: Taariikhda Muuse Biixi Cabdi [Musharaxa Madaxweynaha Somaliland]

    November 13, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland, ahna murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye wuxuu ku dhashay miyiga Hargeysa 1948. Wuxuu sheegay inuu waxabarashadiisii Quraanka, dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay 1970-kii. Ka dib wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Sanadihii 1970 illaa 1973, wuxuu tababar sarkaalnimo siiyay Midowgii Soviet.

    Markii uu ku soo noqday dalka, wuxuu ka hawlgalay saldhigyadii ciidankii cirka ee Balli-doogle, Baydhabo iyo xaruntii dhexe ee ciidankaasi ee muqdisho.
    Muse Biixi Cabdi wuxuu 1981 ilaa 1982 tababar ku qaatay saldhigga milliteriga Mareykanka ee gobolka Ohio kaas oo lagu magacaabo “Dayton Air Base”.

    Korneyl Muse biixi Cabdi ayaa sidoo kale tababar ku qaatay sakadeemiyada gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo “Fort Lee”, sanadihii 1983 illaa 1985.

    Muse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye
    Muse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye

    Muse Biixi Cabdi, markan kuma noqon Somaliya ee wuxuu toos uga degay Ethiopia 5 May sanadkii 1985. Wuxuu ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed siyaad Barre.

    Korneyl Muse Biixi oo ka mid ahaa taliyayaashii ugu magaca dheeraa SNM, markii dawladdii dhexe ee Somaliya burburtay ee Somaliland na goonni isu taagtay, wuxuu 1993dii noqday wasiirkii Arrimaha gudaha Somaliland ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna wasaaraddaasi hayay muddo oo uu ku soo can baxay.

    Muse Biixi wuxuu ka mid noqday gudigii fulinta, markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii may 2002-dii, isagoo gudoomiye kuixigeenka kowaad loo doortay 2008.

    Muse Biixi waxaa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye loo doortay 10 nofembar 2015-kii, ka dib shirweynihii xisbiga, waxaana loo xushay in uu noqdo musharraxa xisbiga. Wuxuu ku hadlaa luqdaha English, Carabi, iyo Ruush. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.

    Muuse biixi wuxuu leeyahay laba xaas iyo todoba caruur ah. saddex wiil iyo afar gabdhood.

    Wuxuu hadda u loolamayaa xilka madaxweynaha shanaad ee Somaliland isagoo metelaya xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye.

    #SomalilandVotes Doorashada Somaliland Muuse Biixi Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Puntland oo soo bandhigay Kaarar codeynta Somaliland oo la qabtay
    Next Article Shir looga hadlayo xaaladda Amniga oo ka furmay Kismaayo [Beesha Caalamka oo ka qeyb galeysa]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo