Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»AKHRISO: Taariikhda & Waxqabadkiisii Guddoomiye Jawaari [Guddoomiyihii ugu horeeyay ee ku baxa Mooshin Xukuumadeed]

    AKHRISO: Taariikhda & Waxqabadkiisii Guddoomiye Jawaari [Guddoomiyihii ugu horeeyay ee ku baxa Mooshin Xukuumadeed]

    April 9, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa soo gabagabeeyay muddo 5 sano ka badan oo uu soo ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo doortay sanadkii 2012, kadibna dib loogu doortay 2017.

    Jawaari ayaa xilka isaga casilay cadaadis uga timid xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo ay noqotay markii ugu horeeyay ee guddoomiye Baarlamaan ku baxo cadaadiska Ra’iisal wasaare, waxaana is casilaadda si rasmi ah loo shaacin doonnaa kulan Baarlamaanku yeelan doono Arbacadda 11-ka April 2018.

    Haddii aan dib u eegnotaariikhdiisa Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.

    Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

    Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

    Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.

    Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

    Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP. Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada DAsturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

    Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.

    Intii aanu 2012 qaban xilka Guddoonka Baarlamaaka wuxu u lasoo shaqeeyay Qaramada Midoobay, Isagoo jaamacad ku taalla dalka Norway oo uu degay kadib dagaaladii sokeeye. ka hor dagaaladii Soomaaliya 1991 Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

    Aqoon ahaan, waa Qareen, wuxuunaJawari guddoomiye uga soo noqday guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.

    Waxay isku hayb yihiin madaxweynaha maamulka K/Galbeed iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan oo in muddo ah loolan siyaasadeed oo hoose kala dhaxeeyay.

     

    Dad badan oo la soo shaqeeyay Jawaari ayaa ku bogaadiyey aqoontiisa iyo sida uu dhidibadda ugu taagay Baarlamaanka Soomaaliya oo hore u ahaa mid aan sal iyo tixraac lahayn.

    Siyaasiyiin badan ayaa ku xusuusan doona kaalintii uu kasoo qaatay maareynta Mooshinadda faraha badan ee dowladii Xasan Sheekh, isagoo lagu tilmaamo nin aan meelna loogu soo hagaagi karin marka ay timaado go’aan qaadashada xaaladaha cakiran.

    Jawaari wuxuu ugu danbeyn u muuqdaa inuu xilkii sare ee Guddoonka baneynayo laakiin ma cadda inuu sii ahaan doono xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu bogaadinayaa tallaabada geesinimada ah ee uu qaatay.

    Baarlamaanka Guddoomiye Jawaari Jawaari Taariikhda Jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerar Gantaallo ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin ciidamada Cirka ee Suuriya [Yaase ka danbeeyay..?]
    Next Article Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo dib loo furay & Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Caasimadda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo