Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 18 Qodob, kadib muddo 6 maalmood ah shir ka socday magaalada Muqdisho.
Xilliga Doorashada ayaa loo qabtay inay ku dhammaato muddo 40 maalmood 15 Janaayo ilaa 25 Febraayo, waxaana Amniga Madaxtooyada loo xilsaaray AMISOM, iyadoo aan la soo qaadin, lagana gudbay Arrinta Amnigii dalka ee muranka dhaliyay iyo Awoodaha Guddiyada Doorashada oo qaarkood uu xilka ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha.
Dhinaca kale waxaa la qaatay inta badna qodobadii ay soo jeediyeen Golaha Midowga Musharixiinta oo aan waxba lagu darin, wuxuu qoraalkaasi noqday war-murtiyeedkii shirka kasoo baxay.
HOOS KA AKHRISO



