Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: War-murtiyeed 5 Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb

    AKHRISO: War-murtiyeed 5 Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb

    July 13, 2020Updated:July 13, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu soo gabagabeeyay wejiga koowaad ee shirkii madaxda Maamul Goboleeyada.

    Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray 5 Qodob oo nuxurkoodu yahay inaan dalka laga qaban karin Doorasho Qof iyo Cod ah oo loo baahan yahay shir kale oo ay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga heshiiyaan qaabka loo qabanayo doorashada.

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

    Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020.

    Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya. Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay:

    1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

    2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

    3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

    4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021.

    Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

    5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

    Galmudug Madaxda maamul Goboleedyada Shirka Dhuusamareeb Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWar-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dh/mareeb & Shir kale oo lagu casuumay Madaxda Dowladda
    Next Article XOG: Cali Mahdi iyo Muuse Suudi oo sabab u noqday inuu baaqdo Shirweynihii Beesha Mudullood

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo