Shirkii wasiirada amniga iyo taliyeyaasha ciidamada maamul Goboleedyada ayaa ku soo dhammaaday magaalada Kismaayo ee Jubbaland.
Shirkan aya laga soo saaray 5 qodob oo ay ka mid yihiin in la iska kaashado la-dagaalanka kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waxaana shirka oo 5 maalmood ka socday magaalada Kismaayo furay madaxweyne Axmed Madoobe.
Qodobadda kasoo abxay shirkan ayaa u muuqda kuwo aan waxba soo kordhin, waxaana saameyn weyn ku yeeshay is-casilaadii madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan.