Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»AKHRISO: War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho & Go’aanada lagu gaaray

    AKHRISO: War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho & Go’aanada lagu gaaray

    December 9, 20164 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.

    Shirka ayaa go’aan looga gaaray xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka cusub iyo madaxweynaha, iyadoo dib loo dhigay arrinta ugu weyn ee la isku hayay oo ahayd xildhibaanada Aqalka sare ee ka imaanaya Gobollada Sool iyo Sanaag.


    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA KA SOO BAXAY SHIRKA

    Muqdisho 7-8 Diseember 2016 -Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Mudane Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey;

    Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.

    Kulanka Furitaanka:

    1. Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.

    2. Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating: oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.

    3. Dhameysirka geeddi-socodka doorashada

    3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:
    a. In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.
    b. Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.
    c. Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.

    3.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:
    a. In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo
    b. In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.

    1. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.

    4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.

    4.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:
    a. Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;
    b. Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo
    c. Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    5. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.

    5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
    5.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.

    1. Baaq iyo Bogaadin

    6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.

    6.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.

    6.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay’adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.

    1. Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka

    tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.

    — Dhammaad —

    Doorashada 2016 Madasha Shirka Madasha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida oo heshiis lagu gaaray: (Akhriso Qodobo hordhac ah)
    Next Article DHAGEYSO Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga: Yaa ka danbeeyay xayiraadda Sacuudiga ku soo rogay xoolaha Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo