Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»AKHRISO: War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho & Shir kale oo dhacaya

    AKHRISO: War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho & Shir kale oo dhacaya

    August 9, 2016Updated:August 9, 20168 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    -Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 02 – 09 Agoosto 2016ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

    Kulankani wuxuu daba socday kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Baydhabo 22-25 June, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

    Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

    1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

    Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed ayan suuragal ahayn in doorasho la qabto inta ka harsan muddada xilheynta ee laamaha dawladda ee hadda jira (Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha). Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama-maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD).

    1. Dhammeystirka Dib-u-Eegista Dastuurka

    Madashu waxaa ay si wadjir ah u bogaadinayaan Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka federaalka, Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka shaqada wanaagsan ee ka soo qabteen dib u eegista dastuurka , waxa ay soo jeedineysaa in ay lagama-maarmaan tahay in howlaha dib-u-eegista dastuurka ee qabyada ah uu dhameystiro Baarlamaanka 10naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la dooran doono, isla markaana uu tixgelin iyo mudnaanta koowaadba siiyo Qaraarka iyo lifaaqyada uu Baarlamaanka 9aad ku ansaxiyey kalfadhigiisa 8aad ee 2016.

    1. Adeegsiga Nidaamka Awood-qaybsiga 4.5 oo looga Gudbo Dhisidda iyo Hirgelinta Axsaabta Siyaasadeed

    Madashu waxaa ay soo dhaweynayaan mabda’a dimoqraadiga ah ee suurtogalinaya in shacbigu helo fursad uu madaxdiisa si caadil ah ugu kala doorto barnaamijyo siyaasadeed oo ay ku kala tartamayaan axsaab siyaasadeed taasoo ah dariiqa ugu habboon ay Soomaaliya uga bixi karto nidaamka doorashooyinka ku saleysan 4.5 ee lagu soo meelgaaray. Sidaa darteed, Madaxda Madasha Qaranku waxaa ay isku raaceen in la horumariyo dhisidda iyo diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed muddo labo sano gudahood ah, ka bilaabata taariikhda la doorto Baarlamaanka 10aad. Haddaba si arrintan loo hirgeliyo qof kasta oo Musharrax ah, oo u tartamaya kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka midkood waxaa laga doonayaa inuu saxiixo afti qoraal ah oo uu ku caddeynayo in uu labo (2) sano gudahood, ka bilaabata maalinta la dhaariyo Baarlamaanka 10aad uu xubin ka noqonayo mid ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee sharci ahaan dalka ugu sameysmay, Baarlamaankana ku matali doono xisbigiisa. Xildhibaanada ku guuleysta doorashooyinka ee aqalada Baarlamaanka ee Soomaaliya ay ka mid noqon doonaan axsaabta siyaasadeed ugu dambeyn 20ka Oktoober 2018. waxaa laga doonayaa in xafiiska Guddoonka Baarlamaanka geeyo caddeyn xisbiga siyaasadeed uu xildhibaanku xubinta ka yahay, Golahana ku matalaayo. Xildhibaankii ku biiri waaya xisbi siyaasadeed muddadaas ka dib waxey sababeysaa xil-waayid xubinimada golaha Xildhibaanku ka tirsan yahay, kursigaasna doorasho loo diro.

    1. Arrimaha khuseeya Guddiyada Doorashada:

    a. Madashu waxay dhameystirtay, magacyada xubnaha Guddiyada Doorashada ee heer Dawlad Goboleed (GDHGDG).

    b. Madashu waxay soo saartay tirada iyo magacayada xubnaha guddiga khilaafaadka, waxayna ka dhigtay tirada 21 xubnood halka ay markii hore ka aheyd 11 xubnood. Sagaal (9) ka mid ah guddiga waxaa soo magacaabeysa Dowladda federaalka ah, halka ay min laba (2) xubnood soo magacaabayaan Dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon doona Dowladda Federaalka ah.

    c. Madashu waxaa ay go’aamisay in xarun walba oo doorasho la geeyo 3 xubnood oo guddiga xallinta khilaafaadka ah waxayna ku go’aan qaadanayaan cod hal dheeri ah.

    d. Madashu waxa ay go’aamisay in ciddi cabasha qabta oo u gudbaya guddiga xallinta khilaafaadka la furi karo oo kaliya marka qofka cabashada qaba bixiyo khidmadda furidda gal-dacwadeedka $1,000 (kun oo doolar).

    1. Arrimaha Haweenka Musharixiinta ah ee u Tartamaya Labada Aaqal

    a. Sidoo kale, waxay madashu ku adkeynaysaa odayaasha dhaqanka iyo guddiyada doorashada inay xaqiijiyaan arrimaha soo socda:

    b. Xubnaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la doortay, 30% waa in ay ahaadaan haween .

    c. Afarta beelood, beeshiiba haweenka la doortay waa in ay noqdaan 18 xubnood (4X18=72).

    d. Beesha shanaad, haweenka la doortay waa in ay noqdaan sagaal (9) xubnood.

    e. Si sare loogu qaado fursadaha haweenka ee doorashada 2016, madashu waxa ay go’aansatay in khidmadaha murashaxnimo ee haweenka hoos loo dhigo 50%, si loo dhiirrigeliyo taabbagelinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federaalka

    f. Ergada doorashada ee beel walba oo ah 51 xubnood, ugu yaraan 30% waa in ay noqdaan haween.

    g. Xubnaha loo soo sharaxayo aqalka sare, 50% waa in ay noqdaan haween.
    2. Arrimaha Beesha Banaadiriga

    a. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka, isagoo la tashanaaya odey dhaqameedyada beelaha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday dhaqameed iyo nabad-doonnada beesha, waxaa uu soo magacaabayaa afarta (4) xubnood oo ah guddiga doorashada ee beesha Banaadiriga

    b. Seddexda (3) Oday dhaqameedyada Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday, iyagoo la tashanaaya Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Guddiga Doorashada beesha Banaadiriga, waxa ay soo xulaayaan 21 Ergo-doorasho oo ku saleysan toddobo beel hoosaad oo min saddex xubnood ah (7X3=21).

    c. Ergada-doorasho ee ah 21 xubnood ayaa u codeynaaya musharixiinta u tartamaaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare.

    d. Odayaasha dhaqanka Beesha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta xubnood oo la tashanaya nabadoonnada beelaha Banaadiriga ah ayaa soo magaacabaya musharixiinta u tartameysa Aqalka Sare.

    e. Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    1. Shuruudaha Codeynta

    a. Doorashada halkii kursi ee Golaha Shacabka waxaa ay ansaxeysaa marka ugu yaraan labo musharax ay u tartamaan.

    b. Madasha waxaa ay go’aamisay in 51 ergada u codeyneysa halkii kursi ee Golaha Shacabka ay dhammaantood goobjoog ku noqdaan xarunta doorashada ka dhaceyso si ay u codeeyaan.

    c. Haddii beesha kursiga leh ay tirada 51 ergo ay buuxin weydo, dib baa loo dhigayaa kursigaas, waxaana la siinayaa fursad ay ku soo dhammeystiraan tirada 51 ergo muddada doorashadu socoto,

    d. Haddii aysan buuxin tirada ergada 51 ee u codeyneysa kursiga xubinimada golaha shacabka muddada doorashadu socoto, kursigaas waa la laalayaa.

    1. Arrimaha Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan

    a) Madashu waxey xakuumadda Federaalka ah ku adkeyneysaa in la xaqiijiyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta ka horreysa xilliga doorashada.

    1. Kuraasta Aqalka Sare ee Beelaha Somaaliland

    Madasha Madaxda Qaranka oo tixgalineysa go’aanadii ka soo baxay kulankii Baydhabo kuna saabsanaa xalinta saami-qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 Abriil 2016 doorashooyinka dadban ee 2016 iyo hannaanka dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo qeexaysa“Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan”. Madashu waxay go’aamisay in qoondada 3-da kursi ay qoonda ahaan u leeyihiin beelaha Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tira badan yahay ee deggan degaannadaas.

    Waxay sidoo kale Madashu go’aamisay in 2 xubnood lagu kordhiyo tirada kuraasta ay qoonda ahaan beelaha Soomaaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka.

    Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Guddoomiyaha

    Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

    1. Arrimaha Jadwelka Doorashada

    Madashu waxay ay ansaxiyeen jadwalkan wakhtiyeysan ee doorashada 2016ka ee ay soo gudbiyeen GFHDD:

    a. Doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay dhacdo 25ka September

    b. Doorashada xubnaha Golaha Shacabka in ay dhacdo September 24-10ka Oktoobar

    c. In xildhibaanada la dhaariyo 20ka Oktoobar

    d. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25ka Oktoobar

    e. Doorashada Madaxweynahana in ay dhacdo 30ka Oktoobar

    1. Mahadcelin

    Madashu waxaa ay u mahadcelineysaa Safiirada idman ee haweenka Somaaliyeed oo runtii muujiyey howlkarnimo iyo in ay ka go’an tahay ka gun gaaridda qoondada haweenka ee 30%.

    Madashu waxaa sidoo kale u mahadcelineyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta

    Doorashooyinka Dadban (GFHDD) shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen muddadii yareyd ee ay jireen.

    Madashu waa ay u mahadcelineysaa beesha caalamka oo had iyo goor la garab taagan taageero dowladda federaalka ee Soomaaliya.

    Madashu waxaa ay isku raacday in shirka Madasha ee soo socda lagu qabto Muqdishu bisha 07- 09- 2016.

    ——————————DHAMMAAD———————-——-

    Doorashada 2016 Top War-murtiyeed War-murtiyeedka Madasha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO: War-murtiyeedka Shirkii Muqdisho ee ka soo baxay Madasha Qaran [ Afhayeenka Madaxtooyada]
    Next Article AKHRISO: Liiska magacyada Guddiyada Doorashada maamul Goboleedyada [Ra’iisal wasaaraha oo magacaabay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo