Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: War-Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Amniga Qaran ee Magaalada Baydhaba

    AKHRISO: War-Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Amniga Qaran ee Magaalada Baydhaba

    June 6, 2018Updated:June 6, 20186 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Waxaa sidoo kale, shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Difaaca, La-taliyaha Amniga Qaranka, wasiirada dawlad goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

    Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed oo si habsami leh u marti galiyay shirka. Goluhu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa ciidamada amniga Konfur Galbeed, XDS iyo AMISOM.

    1. Arrimaha Amniga:

    Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka, tix-galiyeenna aragtiyada iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Goluhu wuxuu isku raacay qodobada hoos ku xusan:

    1.1. Madax-bannaanida: Golaha Amniga Qaranku wuxuu adkeynayaa in midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

    1.2. Ka hortagga khataraha: Golaha Amniga Qaranka markii uu dhegeystay khataraha amni ee ay argagixisadu ka geysanayaan dalka waxa uu adkeynayaa in la dardargeliyo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, labada heer, lana siiyo tababarro iyo xirfado la xiriira qaababka looga hortagi karo falalka argagixisada.

    1.3. Qorshaha Kala-guurka: Golaha Amniga Qaranka wuxuu ansixyey qorshaha kala-guurka (Transition plan), kaasoo loo arkay inuu yahay qorshe horseedaya in Soomaalidu hanato, kuna filnaato amnigeeda, iyada oo la raacayo tallaabooyinka soo socda;

    1.3.1. In si wadajir ah looga mira dhaliyo fulinta wejiga koowaad ee qorshaha kala guurka oo dhigaya qaabka lagu hawlgalinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Booliiska ee labada heer oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu.

    1.3.2. In ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay qeyb noqonayaan hawlgallada qorsheysan ee lagu furayo waddada muhiimka ah (MSR) ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hawlgalkan waxaa doorka hoggaamineed qaadanaya Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed, waxayna ciidamada ka amar qaadanayaan Taliska Ciidamada Xoogga Dalka inta hawlgalkaas lagu jiro.

    1.3.3. In Guddiga Qaran ee Isku-dhafka Ciidamada la yimaadaan muddo soddon (30) maalmood guduhood ah qorshe hawleedkooda.

    1.3.4. In qorshaha kala guurku uu noqdo mid dhammeystiran oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta, soo kabashada dhaqaalaha, sarreynta sharciga iyo caddaaladda.

    1.4. Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga: Goluhu waxa uu ansixiyay in muddo soddon (30) maalmood gudahood ah lagu hawlgeliyo Xafiisyada Aminga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si loo dardargeliyo in Golaha Amniga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ay noqdaan kuwo waajibaadkooda shaqo gutaan.

    1.5. Goluhu wuxuu isku raacay in muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah guddiga farsamadu ay ku fuliyaan Qodobka 1.2 ee go’aankii 6-10ka bishii Febraayo 2018, kasoo qeexaya “Dawladda Federaalku waxay ka caawineysaa ciidamada Booliiska Dawlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Daraawiishtu (hub, saanad, agab ciidan, raashin, daawo, gunno, tababar iyo tayeyn) ee kala qeyb qaadan doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.”Goluhu wuxuu ku boorrinayaa ummada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la-dagaalanka argagixisada.

    1.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga Fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kala guurka.

    1.7. Goluhu wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada wax ku oolka ah ee laga wado CXDS oo ay kamid yihin sida qaab-dhismeedka ciidanka, mideynta tababarka iyo hagaajinta anshaxa iyo adaabta ciidanka iyo sidookale qaabaynta hannaanka dallacsiinta saraakiisha iyo saraakiil xigeennada oo la waafajiyey sharciga dallacsiinta.

    1.8. Goluhu wuxuu farayaa Guddiga Dib-u-habeynta Booliiska Federaalka ee hoos yimaada Wasaaradda Amniga Gudaha in ay kusoo dhameystiraan qaabka dib-u-habeynta Booliiska Federaalka muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah.

    1.9. Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda.

    2. Arrimaha Siyaasadda

    Goluhu waxaa kale oo uu falanqeeyay qodobada soo socda:

    = Habka Doorasho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2020-ka.

    = Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka iyo Macdanta).

    2.1. Goluhu wuxuu bogaadinayaa waxqabadka Guddiga Wada-xaajoodka iyo Wasaaradaha ka shaqeeya Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay.

    2.2. Goluhu wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay hawlaha la xiriira dib-ula-falgelidda hay’adaha dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan wada shaqeynta ay Xukuumaddu la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) oo uu Goluhu dhiirrigelinayo in lasii adkeeyo wada shaqeyntaas, si wadajir ahna loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana joogteeyo nidaamka isla-xisaabtanka.

    2.3. Goluhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka, sida canshuurta Furdooyinka, macaashka shaqaalaha iyo faa’iidadda ganacsiga.

    2.4. Goluhu wuxuu ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun, 2018.

    2.5. Goluhu wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey wadatashiyada caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka, iyo daraasaadka Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha. Wuxuuna Goluhu faray in Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinku soo dhammaystiraan kala xulashada nidaamka diiwaan galinta.

    2.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka la sii dardar-galiyo, laguna soo gabagabeeyo sannadka 2018-ka, ayada oo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin.

    2.7. Goluhu wuxuu heshiis ka gaaray Lahaanshaha, Maamulka, iyo Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida ku cad heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu saxiixay Magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun 2018.

    2.8. Goluhu wuxuu faray Guddiga Farsamada (TC) ee Golaha Amniga Qaranka in ay soo gudbiyaan Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta shirka xiga ee la qabanayo bisha Agoosto iyadoo laga amba qaadayo go’aamadii shirkii Wasaaradaha Cadaaladda ee ka dhacay magaalada Jowhar bisha Jannaayo 2018.

    2.9. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la hawlgaliyo xubnihii ay dawlad gobaleedyadu u soo magacaabeen guddiyada dib uu eegista dastuurka.

    2.10. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardar geliyo wadaxaajoodka arrimaha federaalka si loo dhamaystiro hannaanka awood qaybsiga ee ku qeexan Qodobada 53-54 ee Dastuurka.

    2.11. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa hindisaha lagu abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

    Goluhu wuxu si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Xildhibaannadii iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarradii xaqdarrada ahaa ee ka dhacay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    DHAMMAAD

    Image may contain: text

    No automatic alt text available.

    Image may contain: text

    Image may contain: text

     

    Baydhaba Shirka Amniga Qaran Shirka Baydhaba Top War-murtiyeedka Shirka Baydhaba
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Itoobiya oo ogolaatay Heshiiiskii Ereteriya lagu siiyey Magaaladii lagu dagaalamay ‘Badme’
    Next Article Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo faragelisay isku dhacyada ciidamada dowladda ee Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo