Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Amniga Qaran & Qodobbo laga waayay

    AKHRISO: War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Amniga Qaran & Qodobbo laga waayay

    July 10, 2017Updated:July 10, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa Warbaahinta u akhriyay War-mutiyeedkii laga soo saaray Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay.

    War-murtiyeedka ayaa laga waayay qodobo ka mida kuwii la iski mari waayay oo u muuqda in dib loogu shirka labaad oo dhacaya saddex bilood kadib.

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

    War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka

    1. Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.

    2. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

    3. Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

    4. Kaddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.

    5. Golahu, markii uu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.

    6. Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

    7. Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.

    8. Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.

    9. Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.

    10. Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.

    DHAMMAAD

    Shirka Golaha Amniga Top War-murtiyeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiiro ka tirsan Dalalka Soomaaliya iyo Qatar oo kulan gaara yeeshay
    Next Article Xildhibaan Fiqi: “Waa in Farmaajo Jawaab ka bixiyaa hadalkii gefka ahaa ee Sh. Nuur Baaruud”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo