Shirkii madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya uga socday magaalada Kismaayo 4-8 bishan September ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aad u dheer oo lagu caddeeyay mowqifyadooda dhammaan arrimaha kala dhaxeeya dowladda Federaalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedyada ay ka quusteen inay dowladda Federaalka fuliso heshiisyadii ay hore ula gashay balse taas bedelkeed ay faragelin ku geysto maamul Goboleedyada, taasoo dhaawacday wada-shaqeyntii labada dhinac, waxayna ku baaqeen in la qaado saddex arrimood.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA KISMAAYO