Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AKHRISO: Warbixin Xasaasi ah oo ku saabsan Howlgallada Daacish ee ka dhacay Muqdisho & Soomaaliya

    AKHRISO: Warbixin Xasaasi ah oo ku saabsan Howlgallada Daacish ee ka dhacay Muqdisho & Soomaaliya

    May 9, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ku xiran ururka khilaafa ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa la sheegay inuu sii kordjhyey howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya, siiba magaalada  Muqdisho, sida uu qoray Wargeyska Long War Journal.

    Warbixinta uu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay Daacish laanteeda Soomaaliya ay sare u qaadday weerarrada ay ka geysato magaalada Muqdisho iyo degaanada u dhow waxaana afar ka mid ah shan weerar oo ay bishii April ka geystay Muqdisho ay dhaceen wixii ka dambeeyay 15kii April.

    15-kii April, Warbaahinta Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in ciidan u daacad ah Daacish ay Degmada Afgooye ku dileen sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya, todobaad kaddib waxaa ay baahisay dilka sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho, afar maalmood kaddib haddana waxaa ay baahisay dilka sarkaal kale oo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya.

    Todobaadkii la soo dhaafay waxaa ay sheegtay in Sarkaal Boolis ah ay ku dishay Muqdisho,waxaa xigay dorraad oo ay baahisay dilka sarkaal kale oo Nabad sugidda ka tirsanaa ay sheegatay in ay ku dishay isla Magaalada Muqdisho.

    Warbixinta Wargeyska waxaa lagu sheegay in sanadkan 2018, Ururka Daacish uu 13 weerar lka fuliyay Soomaaliya,weerarradaas waxaa ay ka badanyihiin kuwii ay fuliyeen 2016 iyo 2017, sida ay baahisay xogta keydka ee Acmaaq oo soo bandhigtay kiisaska weerarrada ee Soomaaliya.

    Dilalka qaar ee ay Daacish geysato waxaa ay marka ay baahinayaan warbaahintooda raaciyaan sawirro, Muuqaallo iyo mararka qaar cod ama maqal si ay u caddeeyaan in iyaga ay ka dambeeyeen falkaas.

    Inta badan lama caddeeyo nooca weerarka iyo goobta uu ka dhacay,waxaase ay beegsadaan sirdoonka Soomaaliya,Booliska,Milatariga, iyo Saraakiisha amaanka Ciidanka Maamulka Puntland,labo ka mid ah weerarrada waxaa ay ka kala dhaceen degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho iyo degaanka Jurur oo ka tirsan Puntland .

    Acmaaq oo ah warbaahinta Daacish waxaa ay baahisay 45 weerar oo ay ka geysatay Soomaaliya, 14 ka mid ah waxaa ay ka dhaceen caasimadda Muqdisho, 12 waxay ka dhaceen Shabeellaha hoose gaar ahaan Afgooye iyo agagaarkeeda halka kuwa kale ay ka dhaceen Boosaaso iyo Qandala, kuwo kale ayey sheegteen in ay ka geysteen Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

    Inta badan weerarrada Daacish ee Soomaaliya waa dilalka qorsheysan ee loo geysto shaqsiyaadka Dowladda ka tirsan,waxaa ay geysteen shan qarax oo kuwa Miinooyinka ah sida ku xusan warbixintan.

    Kaliya 4 weerar ayey la beegsadeen howlgalka AMISOM,waxaase inta ugu badan ay Daacish beegsataa Saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Kaliya hal weerar oo is qarxin ah ayey sheegatay Daacish,kaas oo Bishii May ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,bilo kaddib markii laga saaray Magaalada Qandala oo ay qabsadeen.

    Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/Qaadir Cali Muumin,waxaa uu Al-shabaab ka goostay October 2015kii, waxaana uu ku biiray Ururka Daacish.

    Tirada Ururka Daacish ee Soomaaliya ayey warbixinta ku sheegtay in ay u dhaxeeyaan 200 ilaa 300 qof, kuwaas oo inta badan ka howlgala Gobollada Puntland, haddase u muuqda in ay Muqdisho xoogga saareen.

    Warbixinta waxaa ay sheegtay in Daacish ay kaliya hal xarun tababar ku leedahay Soomaaliya, waxaa ay ku taalla Buuraleyda Goolis ee Puntland, waxaana lagu magacaabaa Bashiir Abuu Nucmaan oo ahaa Taliye ka tirsanaa Al-shabaab, hayeeshee ka goostay kuna biiray Daacish, waxaa markii dambe dilay Amniyaadka Al-shabaab.

    Daacish ISIS Muqdisho Sheekh C/qaadir Muumin Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQareenka Gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump oo lagu helay Lacag uu ka qaatay Shirkad Ruush ah
    Next Article AKHRISO: 3-da Qodob ee Gaas & Axmed Madoobe u adeegsadeen Dagaalka ay ku bilaabeen dowladda Federaalka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo