Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay saldhigga Milatari ee dowladda Turkiga ka furaneyso magaalada Muqdisho sida ay qortay saxaafadda Turkiga.
Saldhigan Milateri ayaa la sheegay inuu ku yaallo agaagarka Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde iyo Dekadda magaalada Muqdisho isagoo 3 km u jira dhismaha isbitaalka Ordogan ee ee magaalada Muqdisho.
Dhismaha saldhiga ayaa bilowday March 2015, waxaana la sheegay in la dhameystiri doono Janaayo 2017 oo si rasmi ah loo furi doono. Maareeyaha Shirka dhiseysa saldhiga milateriga Turkiga ee Soomaaliya Istanbul Mogadishu General Construction Company ninka lagu magacaabo Ebubekir Şahin ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay dhismaha saldhiga ay ku baxday lacag dhan 50 Milyan oo doolar.
Dhismaha saldhiga ayaa ka kooban xarumo tababar, saddex Dugsi oo milatari, Goobo la seexdo iyo Bakhaaro, wuxuuna ku fadhiyaa saldhigga dhul shan 400 hektar oo markiiba lagu tababari karo 500 askari.
Saldhigga milateriga ee Turkiga ka furtay Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamo kale oo afrikaan ah lagu tababari doono. Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, isagoo taageero kala duwan siiya Soomaalida.
Wadani.com