Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 12
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»AKHRISO: War-murtiyeed 13 Qodob ah oo laga soo saaray Shirkii Madasha ee Baydhaba

    AKHRISO: War-murtiyeed 13 Qodob ah oo laga soo saaray Shirkii Madasha ee Baydhaba

    June 25, 2016Updated:June 25, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    War-murtiyeed 13 Qodob ah oo laga soo saaray Shirkii Madasha
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Baydhabo 22-25 Juun 2016. Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte,Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

    1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mahad celin iyo ammaan u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Koonfur Galbeed soo dhoweynta iyo marti-gelinta shirka Madasha Qaran.

    2. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay xubnaha iyo qaab-dhismeedka Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016.

    3. Waxay mar labaad ku celisay in la sameeyo khariidad-siyaasadeed qeexan oo 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

    4. Madashu waxay mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee dumarka iyo metelaaddooda. Sidoo kale, Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka dumarka iyo metelaaddooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa howlaha guddiga heerka qaran ee u ololeynaya taabba-gelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday dumarka Soomaaliyeed (30%).

    5. Waxay dhammaystireen, saxiixeenna liiska rasmiga ah ee Odayaasha Dhaqanka 135-ka ah ee doorashada 2016.

    6. Madashu waxay magacawday guddi ka soo talo bixiya metelaadda iyo maqaamka caasimadda Muqdisho/Gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 19 xubnood oo shan ka mid ah ay soo magacawday Dowladda Federaalka, halka dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ay soo magacaabeen min laba xubnood. Guddigu wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17-ka Luulyo 2016.

    7. Madashu waxay isku raacday miisaaniyad faahfaahsan iyo jadwal howleed waqtiyeysan oo suurta gelinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu tala galay.

    8. Madashu waxay kaloo isku raacday in doorashada 2016 ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan gaar ah. Si taas loo hirgeliyo, Madashu waxay isku raacday in loo saaro guddiyo ka soo shaqeeya hannaanka loo marayo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland.

    9. Madashu waxay isku raacday in laba xubnood oo dheeri ah loogu daro Aqalka Sare beesha Reer Banaadiriga.

    10. Madashu waxay ansixisay qaab-dhismeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si waafaqsan nidaamka federaalka.

    11. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay shaxda Golaha Shacabka, waxayna saddex kursi oo beesha Harti/Daarood iyo hal kursi oo beesha Madaluug/Dir u wareejisay Jubbaland.

    12. Waxay ku heshiisay in shirkeeda soo socda lagu qabto caasimadda Muqdisho 17-20ka bisha Luulyo 2016.

    13. Waxay uga mahad celineysaa saaxiibada beesha caalamka sida ay ugu heellan yihiin in ay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashada 2016, waxayna ku boorrinaysaa ka mira-dhalinta iyo oofinta balanqaadkoodii taageero ee dhaqaale.

    =DHAMMAAD=

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA OO RASMI AH (PDF)

    [pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2016/06/Warmurtiyeed-NLF-22-25-Juun-2016-Baydhabo-FINAL.pdf”]

    Wadani.com

    Doorashada 2016 Madasha Baydhaba Qodobada Shirkii Baydhaba Shirka Madasha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo xilka la wareegay
    Next Article QARAX WEYN OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo