Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay booqashada wafdig ka socda Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka K/Afrika Thabo Mbeki oo saaka Muqdisho yimid.
Wafdga waxaa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxayna ka socdeen Kooxda Sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP), iyadoo aan la sheegin ujeedka socdaalkooda iyo waxa ay Muqdisho u yimaadeen, basle wasaaradu waxay shaacisay jadwalka kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan.
Jadwalka wadfdigan waxaa ka mida inay la kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo si kala gaar ah u qaabili doonaan. waxaa kaloo wafdiga Midowga Afrika ay kulamo la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM, iyadoo Muqdisho joogi doona muddo laba maalmood ah.
Waxay wafdigan hore u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay kulamo kula yeesheen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Monica Juma oo iyadu sheegtay inay ka wadahadleen nabadda Geeska Afrika iyo arrimaha amniga.