Waxaa maanta xildhbaannada Golaha Shacabka loo qeybiyey Xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Qaran, iyadoo laga doodi doono maalmaha soo socda.
Guddoomiyaha Guddigan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay Afarta Xeer, isagoo xeer walba faahfaahin ka bixiyey, waxayna kala yihiin:
1- Xaqiijinta Qoondada Haweenka
2- Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqaka Sare
3- Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS.
4-Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.
Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayuu Guddigu isku raacay in 7 kursi la siiyo, iyadoo wax laga bedelayo qodobka 72-aad ee Dastuurka, maadaama 7-da kursi ay tahay kuraas dheeri.
Guddiga ayaa isugu raacay hannaan KMG oo lagu sugayo in kuraasta ay kuraasta Haweenka oo ku eg 2020/2021, isla markaana Haween kaliya ay ku tartmayaan kuraasta haatan ku fadhiyaan, si loo xaqiijiyo qoondada Haweenka.

HOOS KA AKHRISO XEERARKA