Xildhibaannadii ugu horeeyay ayaa maanta lagu soo xulayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ah magaalada labaad ee degaan Doorsahada Maamulka Hirshabeelle.
Kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Beledweyne oo uu ka mid yahay Kursiga HOP086 ee muranka badan ka taagan yahay, loona xiray Fahad Yaasiin ayaa dhammaan ah kuraas ay kusoo baxayaan xubno ay wataan kooxda Maxamed Farmaajo.
Qorshahan waxaa hirgeliyay madaxda Hirshabeelle oo gacansaar la leh Farmaajo, waxaana xildhibaannada lasoii ogyahay ee soo baxaya ay kala yihiin:
HOP#008: Waxaa kusoo baxaya milkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho Maxamed Barre Fiyoore oo ay wadato kooxda Farmaajo. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Xildhibaan Avv. Xuseen Cabdi Cilmi.
HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabaneysa kursigan xildhibaan Xiis XasanAadan oo hore ugu fadhiday kursigan, waxaana u xiray maamulka Hirshabeelle, markii ay taageero ka heshay kooxda Farmaajo.
HOP#074: Kursigan waxaa kusoo baxaya Cabdikarim Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray oo kursigan laga faniiniyey Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga C/llaahi Colaad Rooble oo kooxda Farmaajo ay ku tuhuntay xiriiro uu la yeeshay qaar ka mida Mushariixinta Madaxweynaha.
HOP#086: Kursigan muran ayaa ka taagan, waxaase kusoo baxaya Fahad Yaasiin Xaaji, Agaasimihii hore ee NISA iyo saaxiibka weyn ee Farmaajo ninka lagu tilmaamo milkiiiaha dowladda Farmaajo. (Halkan ka Akhriso sida kursigan loo hakiyey)
HOP#109: Waxaa mar kale kusoo baxaya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamud oo hore ugu fadhiyey kursigan, ahna wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, wuxuuna taageero gaara ka helay La-taliyaha Farmaajo ee Fahad Yaasiin.
HOP#274: Waxaa kusoo baxaya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo hore ugu fadhiyey. Xildhibaankan oo doorashadii 2016 si qalalaase ah ku qaatay kursiga, wuxuu mar kale taageero ka helay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen oo markan soo saaray, isagoo aan wax taagereo ah ka heysan beeshiisa.
