Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Cadaado ayaa khudbad uu ka jeediyay kadib doorashadiisa ku balanqaaday inuu Galmudug ka qaado meesha ay taallo.
HOOS KA AKHRISO KHUDBADDIISA
“Walaalayaal waxaan u mahadcelinaya xildhibaanada idoortay iyo kuwa aan i dooran labadaba, marka labaad waxaan soo dhoweynaya xilka la iidoortay oo aan jeclahay sida uuyahay inaan dhulka ka qaado Galmudug ayaan ku dadalaya ilaahay idinkiis.
Waxaan salaamaya madaxda Federaalka inala jooga, wasiirada iyo xildhibaanada, madaxweyne ku xigeenka iyo marti sharafta kale ee halkan inala jooga. Ajendahayga ugu weyn inaan u qalab qaadano inaan xabbad danbe Galmudug ka dhicin, nabadeyn , dib u heshiisiin Galmudug iyo hareeraheedaba.
Qolada walalaheen ee Ahlu Sunna aad iyo aad baan usoo dhoweynaynaa waan u baaqaynaa, inay noo yimaadaan oo nagula shiroobaan dowladda aan dhiseyno, waxaan rajeynaynaa ilaahay idinkiis.
Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inaysan gacmaha naga laaban oo ha naloo roonaado, waxaan kale oo walaalaheyga kale ee ila tartamayey leeyahay soo dhowaada, waan wada shaqeyn doonnaa. Waana idiinka mahadcelinaya sidaa iila tartanteen.
Dhammaan ciidamada waxaan leeyahay waqtigan wixii ka danbeeya mushaar danbe oo aad weyn doontaan ma jiro, gudaha Galmudug ayaanu ka helayna mushaharkeena. Galmudug ha noolaato, Soomaaliya ha noolaato”
Wadani.com