Kooxda Al-Shabaab ayaa habeenkii labaad ku sugan saldhigyo ciidamada oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka K/Galbeed ay ka difaaci jireen magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka.
Alshabaab ayaa xalay la wareegtay xerada Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhaba, kadib markii dagaal culus uu ka dhacay, kaasoo dhaliyey qasaare laba dhinac kala gaaray, waxaana xerada ka baxay ciidamadii dowladda ee qeybta 60-aad.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta ilaa caawa la xaqiijiyey ku sugan yihiin oo gacanta ku hayaan degaankaa Deynuunay, iyadoo sidoo kale qabsaday degaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dowladda iyo kuwa K/Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii Deynuunaay oo socday shalay ilaa xalay lagu dilay 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, halka ay ku dhawcameen 10 kale, laakiin Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka ku dileen 15 askari.
Dagaalka Alshabaab ku hayaan magaalada Baydhaba ayaa yimid, xilli maamulka K/Galbeed uu isu diyaariyey dagaal uu ku qaado Alshabaab, balse ma suuragelin inay dib u qabsadaan ama ka jawaabaan weerarada Alshabaab ku qabsadeen Deynuunaay iyo Goof-Gaduud.
