Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay soo baahisay muuqaalka hoggaamiyahoodii hore Axmed Cabdi Godane oo kooxda dhexdooda looga yaqiin Abuu Zubeyr. Muuqaalkaan oo mudo saacad iyo bar ku dhow soconaayo ayaa looga hadlayaa noloshii Abuu Zubeyr tan iyo waxbarashadiisii, ilaa markii uu dhintay.
Sidoo kale, muuqaalkaan ayaa waxbadan uu kaga hadlayaa Abuu Zubeyr isagoo caddeynaayo in dagaalkii lala galay Mareykanka sanadkii 1993-kii ee laga soo eiday diyaaraddii Black Howk Down in iyaga ay bilaabeen dagaalka inta ka qeyb qaadatay ee qabiilkana uu aad u yaraa. Waxaa kale oo muuqaalka ka dhex muuqda rag si weyn looga dhex yaqiin AL-Shabaab kuwaasoo intooda badan duqeymo lagu dilay sida Aadan Ceyroow, Abuu Quteyba, Cumar Dheere iyo rag badan.
Arinta kale ee xusida mudan uu ka hadlay Abuu Zubeyr ayaa ah in ururkii maxaakiimta iyo kooxdii uu hoggaaminayay inay kala fikrado duwanaayeen siiba weeraradii lagu qaaday hoggaamiye kooxeedyadii oo ay maxaakiimta diideen inay ka qeyb qaadeen.
https://youtu.be/zpPLq9GBpwQ