Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Koonfur Afrika ka socda ayaa ka hadlay go’aanka ay soo saartay Maxkmad ku taala dalka K/Afrika ee ah inuusan ka bixi karin dalkaasi iyo eedeynta Maxkamada denbiyada adduunka ee denbiyada wuxuuna shegeay in hogaamiyeyaasha Afrika ay iska diideen MAXMIYAD.
Isagoo u waramay Wakaalada Wararka ee Turkiga ayuu sheegay madaxweynah Suudan in madaxda Afrika ay iska diideen maxmiyad iyo gumeysi ayna yihiin xor, Shirweynahan Koonfur Afrika waa janaasadii iyo aaskii gumeystayaasha.
Wuxuu sheegay inuu si aad ugu faraxsan yahay ka qeybgalka shir madaxeedka Johansberg isla markaana uu xiriir aad u fiican la leeyahay dalka K/Afrika. Maanta ayay ahayd markii maxkamad ku taalla K/Afrika ay soo saartay amar ay ku sheegtay in madaxweynaha Suudaan aanu ka bixi karin dalka K/Afrika.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]