Kooxda Alshabaab ayaa digniin u dirtay Dalladaha Waxbarashada Gobolka Banadir ka jira, iyagoo sheegay inay faafinayaan manhaj khaldan oo Hay’adda UNESCO ay leedahay.
Afhayeenka guud ee kooxda Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka, wuxuuna u hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan dugsiyadii lagu dhigo iyo Dalladha ka qeyb qaata.
Dalladaha Waxbarashada ee dalka ayuu ku eedeeyay inay wadashaqeyn toos ah la yeesheen dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna war hayaan manhajka cusub ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, isagoo u digay Dalladahaasi inay la shaqeeyaan dowladda.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay inuu Sheekh Cali Maxmuud Raage (Sheekh Cali dheere) ka hadlayay munaasabad la sheegay in lacago Seko ah loogu qeybinayey boqollaal ruux oo reer Muqdisho
Wuxuu kaloo Afhayeenka Digniin culus u jeediyay xarumo ku yaalla Xeebta Liido oo uu sheegay inay fisqiga caan ku yihiin, kuwaasoo ku teedsan xeebta, wuxuuna caddeeyay inaan loo dul qaadan karin fasaadka kusoo kordhay magaalada Muqdisho.