Dadka ku dhaqan degaanka Mareerey ee Gobbolka Jubbada Dhexe ayaa sheegay in Maleeshiyaada Alshaab ay furfuris ku hayaan birihii ka haray warshadii Sokorta ee Mareerey, iyadoo la arkayay iyagoo biraha waaweyn ee daxaloobay ku raraya gawaari xamuul ah.
Arrinta furfurashada iyo rarista birihii warshada sonkorta Mareerey ayaa bilaabay toddobaadyadii u danbeeyay iyadoo aan la ogeyn waxa ay ku sameynayaan iyadoo warshadaasi horeba loo baabi’iyay oo qalabkeedii la rartay.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Alshabaab oo hadda inta badan ku sugan dhulka Miyiga ah ay u baahdeen biro ay u adeegsadeen qaraxyadii ay hadba ka geystaan magaalooyinka, dalka halka qaar kalena sheegayaan in bir ahaan loo iibinayo.
Warshadihii dalka ayaa intooda badan ku burburay dagaaladii sokeeye, iyagoo dhammaan qalabkoodii la furfurtay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]