Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in degmada Jalalaqsi lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, kadib weerar jidgal ahaa oo ciidamada dowladda ku qaadeen Gaari ay wateen.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe) ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab oo watay Gaari Homey lagu laayey jidka u dhaxeeya Buuloburte iyo Jalalaqsi, iyadoo halkaasi lagu dilay ilaa 20 maleeshiyo oo Alshabaab ah, lagana furtay 18 qori, sida uu yiri.
Howlgalkan ayaa ka danbeeyay markii ay dhowaan Alshabaab jidkaasi ku dileen laba nin oo Qaadwalle ahaa, kadibna ay gubeen Gaari ay wateen. “Ciidamada howlgalkoodaan wuxuu ahaa mid qosheysan, waxaana jidka loo galay gaari Homey ah oo ay la socdeen Al-shabaab, waxaan ka dilnay 20, hubna waan soo furannay” ayuu yiri guddoomiyaha Jalalaqsi.
Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Alshabaab, waxaana la ogyahay in degmada Buuloburte ay ku jirto go’doon ay Alshabaab geliyeen, waxaana isu socodka labada degmo ee Buuloburte iyo Jalalaqsi uu yahay mid qarsoodi ah oo qardajeex la isaga kala socdo.