Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun xasbi daa’in ah ku riday laba nin oo lagu helay inay ka tirsanaayen Al-Shabaab kana qeyb qaateen weerarro ka dhacay Gobolka Mudug.
Eedeysanayaasha Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil (Maxamed Carab) iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, iyagoo ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaadka iyo Jabhadaha ka howlgala gobolka Mudug.
Labada Eedeysane ayaa ciidamada xoogga dalka kasoo qabtee deegaanka Bacaadweyn oo ka mida Gobolka Mudug ee hoos taga maamulka Galmudug; waxaana lagu wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka bishii April 2021.
Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa Al-Shabaab uga biiray degmada Xudur 2016, waxaana loo diyaariyay in uu daweeyo dhaawacyada Al-Shabab, isaga oo ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose, wuxuu safar siduu u dabiibi lahaa dhaawacyo Alshabaab ka gaaray Bacaadweyn loo geeyay xilligaasi Camaara, basle dagaal dhex maray Militariga Soomaaliya ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada.
Maxamed Xasan Abuukar, ayaa isna Alshabaab uga biiray Gobolka Bay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay Tuulada Caad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday Xubno Shabaab ah oo mararka qaar weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka. Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxaana qabtay Ciidamada Xoogga Dalka.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu shaaciyey guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute .
Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.
